Saturday, September 13, 2014

Raaxayso laba usbuuc?by: Jamaal Abu-giza

RAAXAYSO LABA ASBUUC DABEETO NOLOSHAADA OO DHAN HA BAABADO

Jamaal CabdilaahiMaanta waxaynu soo bandhigi doonaa qisadii labaad oo runtii aad u xiisa baan una bahaan inaad wacdi ahaan u qaadato sheekadana waxay ku saabsan tahay wiil yar oo kibray dabeeto halaagmay waana sidan qisadu.

Qisadan waxaa lagu magacaabaa RAAXAYSO LABA ASBUUC DABEETO NOLOSHAADA OO DHAN HA BAABADO.

Wiil yar ayaa waxaa uu galay jaamacada kadib dadaal dheer iyo rafaad fara badan oo uu soo maray mudo markuu jaamacada waday ee uu ku jiro sanadkii ugu danbeeyay ayaa waxaa uu gaadhay go,aan kii ugu xumaa oo ah inuu wadamada yurubta wadan ka mid ah aado si uu khamro iyo tumasho u helo dabeeto waxaa uu u timid aabihii waxaa uu ku dhahay aabo waxaan doonayaa inaa mudo laba asbuuc ah soo yara nasto oo aan aado meel ka mid ah waadankeena ,odaygii ayaa waxaa uu ugu jawaabay aabo jaamacadii wada dhamaynaysaa baashaal iyo wakhtaa kaa lumana ma wacne iska joog, wiilkii ayaa waxaa uu aabihiis ku celiyey kaliya inuu rabo inuu soo yara nasto kadib markuu wax barasho ku daalay aakhirkiina odaygii waa ka yeelay lacagtiina waa siiyeey uu safarka ku aadi lahaa wiiilkii waxaa uu bilaabay inuu pasporka hoos u dhamaysto waxaanu la heshiiyey wiil ay saaxiibo ahaayeen waxaa uu ku dhahay waxaan rabaa inaad airport ka igaadhsiiso hadhaw markaan soo noqonaayana aad iga soo celiso waayahay ayuu ku dhahay.

Sidaa ayuu wiilkii ku tagay xaguu rabay waxaa uu ku tagay hotel qolkii ayuu tagat waana iska maydh maydhay waxaa uu markiibay dalbaday khamro waxaa khamradii u soo qaaday oo u keentay gabadh yar oo aad u quruxbadan oo tima dheer oo qaawan dhar khafiif ahna gashan waa uu la dhacay waa uu sii eegay way soo eegtay waxay ku dhahday miyaad ii baahan tahay maya ayuu ku dhahay waad mahad santahay ayuu u raacshay si uu ciyaar iyo baashaal u guda galo ayuu xaga hoose ee hotelka u dhaahdacay waxaa uu galay meel loogu tala galay ciyaarta iyo khamrada in la isla dhaco waa bilaabay waxaa uu halkaasi kula kulmay gabadhii oo soo badalatay oo quruxdeedu yaab tahay waxaa uu waydiiyey miyaanad ahayn tii xaga sare iigu timid waxay ku dhahday maya waa anigii waan soo badashay waxay tidhi waxaan qaabilsanahay inaan dadka hotelka jooga soo dhaweeyo oo marxabaysiiyo khamradana u geeyo si ay dadku hotelka u jeclaadaan.

Way sheekaysteen oo way heshiiyeen waxay ku heeshiiyeen inay dusha u baxaan way is raaceen waxay galeen qolkii mudo dheer ayey ku jireen waxay wada cabeen khamradii waxay sameeyeen sino way kala dheceen goor danbe oo subaxii ah ayuu soo toosay waxaa uu arkay naagtan oo ag huruda waa uu qayliyey waxaa uu ku yidhi maxaa halkan ku dhigay waxay tidhi adiga ayaa ii fasaxay oo way dhaadhicisay iska raali ahaw ayuu ugu jawaabay khamro kale ayuu lacabay sino iyo xumaan kalena way sameeyeen mudadii way ka dhamaatay waa uu soo noqday isagoo aad ugu faraxsan xumaanta uu soo sameeyey kuna raaxaysanaaya kii saaxiibkiis ahaa ayaa madaarka ka soo qaaday gurigii ayuu soo galay waalidkii ayaa ku farxay mudo kadib ayuu dhamaystay jaamacadii shaqo wacana waa helay waxaa loo guuriyey gabadh inaadeertiis ah waa loo hooyey waxay u qaad uur waxay dhashay wiil aad ayuu ugu farxay inuu aabo noqdo laakiin waxaad la socotaa qodaxda ku maqan iyo xumaantii u soo sameeyay.

Mudo ka dib waa xanuunsaday xanuunkiina waa ku sii adkaaday waxaa loo qaaday dhakhtarka waala baadhay waxaaba laga helay cudur halis ah waa cudurka hada aad ka loo qayliyo waa HIV AIDS waxaana uu ka soo qaaday gabadhii uu la tuntay habeenkii layaab iyo ama kaag ayey ku noqotay waxaa soo booqday aabihiis waxaa uu ku dhahay aabe waxaad ii sheegtaa markii aad dalxiiska qabatay xagaad aaday waa uu u sheegay waxaa uu ku dhahay halkaasi ayaan qabtay odaygii naxdintii ayuu qaaday faalij dhinac ayaa bakhtiyey dhakhtar ayaa loola cararay waxaa kasii daran waxaa lagu yidhi waa ina xaaskaaga iyo ilmahaagana la baadhaa waana labaadhay waxaana laga helay isla cudurkii isaga laga helay.

Gabadhii ayaa dhakhtarka ugu timid waxay ku dhahday ogow waa idulmiday wiilkaagiina waad dulmiday naftaadadana waad dulmiday intaa markay dhahday ayey xaga maskaxda ka xanuunsatay oo waxaa loo geeyey oo lagu xanaanay jiray dhakhtar maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa loo geeyay wiilkeedii yaraa si ay ugu indho qabawsato markii loo geeyey ayey ku soo booday dhabtay ku qabatay way ciijisay neefta ayey ku qabatay isagoo mayd ah ayey soo fidisay wax yarka dibna iyadiibaa is dishay.

Wiilkii waxaa ku sii xoogaystay xanuunkii sidaana waa ku dhintay toobad la,aan dhamaan reerkoodii oo dhana waa saameeyey xumaantii uu soo sameeyey, hadaba waxaad is waydiisaa walaal waxa reerkaasi dhan cawda u gooyey jawaabtu waxaa weeyi waa xumaantii intuu u dhoofay soo sameeyay ee waliba uu ku faraxsanaa kuna raaxaysanaayey waana sidaa cidhibta danbe ee xumaatu iska jir walaal xumaan oo dhan waxaanad ogaataa xumaanta aad samaysaa inaanay adiga oo kaliya kugu koobnaan doonine ay saamayn doonto ehelkaaga dhamaantiis.

Waxaa kale oo aad ogaataa in ilahay kuu kaadin laakiin maalinka uu ku qabto aan lagu sii dayn doonin.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

Bestlawyer1982@hotmail.com

jamaalsuxufi@hotmail.com