(GNA)Waxa ay ahayd xaflad maalin ah axada ah, waxa ay ahaayeen dhalin yaro isugu timaaday xaflad uu lahaa mid ka mid ah ciyaalka xaafada.Dabcan qofwaliba waxaa uu duubayey dhacdooyinkii xaflada isaga oo isticmaalaya wixii kagacantiisa ku jiray xiligaas sida mobile ama kaamiro. xaflad dheer iyo qosol iyo baashaal badan kadib xafladii ayaa dhamaatay .
Waxaa la is waydiiyey waxaan u baahanahay hal beej(page) oo aan ku shubno waxaan oo muqaal goos goos ah si ay u daawadaan dhalinyadradii ka maqnayd goobtii xaflada.
Waxa ay ahayd 2004 xiligaaasna ma jirin web caan ah, hadana xamili kara culeeska intaas leeg oo muuqaalo goos goos ah, goobtaas waxaa joogay sadax dhalin yaro oo iyagu u wada shaqeyn jiray shirkad la dhihi JIRAY PAY PAL oo sammaysa barnaamijyada kombuutarda.
Halkaas waxaa ka aasaasmay fikradii lagu sameeyey beejkan caanka ah ee maalin waliba aan ka daawano muqaalda , madadaalo iyo aqoon kororsi intaba.
YOUTUBE waa beejka ugu wayn ee ogol in lagu qaado lagu daawado loogana qeebqaato muuqaalo goos goos ah ama kuwo dhaadheer wiliba lacag la’aan ah.
Waxaa aasaay sadax ka mid ah dhalinyaradii joogtay xafaldii aan horay u soo sheegay , sadaxduba waxa ay u shaqeyn jireen shirkad la dhoho PayPal waxaana ay kala ahaayeen :-
1- Chad Hurley: waxa uu dhashay 1977, sido kale waxa uu ka shaqeen jiray beej ay leedahay shirkada la dhoho silicon valley . waxa uuna qabaa gabadha milyaneerkii caanka ah ee Jim Clark.
2- Steve Chan: waxa uu ka soo jeeda jaziirada taywaan waxa uuna dhashay 1978
3- Jawad Karim: waxa iska dhalay aabo mareekan ah iyo hooyo Bangaladesh ah waxa uuna ku dhashay wadanka jarmalka , waxa uuna nasiib u yeeshay muuqaalkii ugu horeeye ee lagu faafiyo YUOTUBE-ka oo dhan asaga oo jooga meel xoolaha lagu xanaaneeyo.
Bilowgii YUOTUBE:
Doomaynka youtube.com waxaa la liis gareeye 15/feb/2005 waxaana asaga oo dhan lagu diyaariyey dhowr bilood wiliba si dag dag ah.
Bilowgii hore sida mashaariicda dhalinyarada biowga ahba waxa ay ahaayeen shirkad iska tacbaan ah lacago yar ku bilowday waxa ayna ku shaqeen jireen meel maktabad yar ah kadibana waxa ay qolka heleen meel garaash ah oo baabuurta lagu hagaajiyo.
Mudo gaaban kadib dhaqaaalo fiican ayey heleen oo waxa ay u guureen xafiis si qas ah ay u leeyihiin, kadibna waxaaba la wareegtay GOOGLE oo hadda waxa ay dagan yihiin xaruntooda caank ee ku taala San Burno ee California.
Labo sano kadib bartamihii 2006 youtube wax ay noqotay beejajka ugu hormarka badan shabakada internetka oodhan , waxaa booqan jiray 100,000,000 boqol malyan maalintiiba, waxaana ku soo biiri jiray 65,000 oo muuqaal ama video ah 24-kii saacaba.
Xiligaas oo ay ahaayeen bilow maxaad is leedahay maanta 2011 maalintii meeqo qofood ayaa wax ka daawata ama meeqo muuqaal ayaa lagu daraa YOUTUBE-ka saacadii.
13/Nov/2006 milkiyada youtube waxaa si toos ah ula wareegay GOOGLE oo aad wada garanaysaan waxa ayna ku iibsatay aduun gaaraayo ilaa 1.65 Bilyan oo doolar.
Shaqaalaha YOUTUBE oo markii hore ku bilowday sadaxdii qofood ee aasaastay ayaa hadda waxa ay kor u sii dhaafayaan ilaa 900 oo qofood.
Koriinka xad dhaafka ah waxaa dhibaato xoog leh ku qabay shirkadaha sameeya kana ganacsada filimaanta iyo musica iyaga oo galiya lacag xoog leh kadibna muqaaladii ay soo saareen waxa si lacag la’aan ah looga daawadaa YOUTUBE-ka taasina waxa ay keenaty is jiijid iyo ismaxkamadeen GOOGLE iyo shirkadahaas
Kadib youtube waxa ay keentay sharci ah in uusan ka dheeraan karin muuqaalada lasoo galiyo 10 daqooqo taasina waxa ay keentay fikrad kale oo ah in loo goo gooyo filimaanta dhaadheer
Toban toban daqiiqo taasi oo sahlaysa in YOUTUBE-ka lagu shubo.
Hadana YOUTUBE waxa ay bilaabeen in la tiro qaar ka mid ah wixii dhowr qeyb ahba.
Ugu danbeentii waxaa la isku afgartay in shirkadaha wax soo saara loo sameeyo channales qaas u ah iyaga iskuna xayeysiin karaan iyaga oo ka faaiidaysanaya shacbiyada uu leeyahay YOUTUBE-ka dhalinyarada dhaxdooda
Dhinaca kale magaca youtube ayaa waxa uu madax xanuun ku ahaa shirkad kale oo samaysa tuubooyinka lagana leeyahay dalkaasi mareekanka maadaama uu isku egyahay magaca beejka shirkadaaas oo ah UTUBE iyo YOUTUBE taasi oo sababtay kumaan qofood oo jawahawreersan inay si qalad ah ku yimaadan beejkeeda UTUBE iyaga oo u socda YOUTUBE waxa ayna sababtay dhowr jeer in qadka shirkada uu xermo culeeska dadka jawhareersan ee soo booqanaya darteed taasi oo keentay in dhowr jeer shirkadaasi ay maxkamad la tagto YOUTUBE ayna dalbato magaca YOUTUBE in ay iyada xaq u leedahay.
Dhaqaalaha soo gala youtube:-
Ka hor inta aysan GOOGLE la wareegin youtube waxaa soo gali jirtay ilaa 15 malyan bishii oo xayaysiinta kaliya ah laakin hadda youtube xayeysiinta ku jirta ayaaba iska yar oo waxaa ka batay muuqaalda dadka caadiga ah ay soo galiyaan .
Ilaa hadda lama huba si dhab ah dhaqaalaha soo gala youtube laakiin waxaa lagu sheegaa inaysan ka yareen lacagtii hore.
Inta badan mashaariicdan oo kale maahan kuwo markii hore loo sameeye in lacag helo laakin ,micneheeda maahan dhalinyaradaan sadaxda ah waxa ay sameeyeen wax micno ah ma laha sababto ah YOUTUBE waxa uu ka mid naqday websaadyadii ugu caansana ee soo gala shabakada internetka oo dhan abid.
YOUTUBE waxa ay tusaale u tahay wax waliba oo ay ka anbeeyaan dhalinyaro , hammi iyo shaqo nidaamsan.