(GNA)Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay dadkeeda uga digtay inay safari ku taagaan wadanka Eritrea sababtoo ah waxay halis ugu jiraan in Al-Shabab ama kooxo xiriir la leh ay ku weeraraan.
Warkaan waxaa lagu sheegay in dalka Eritrea uu ka mid yahay wadamada soo dhaweeya wax loogu yeeray dadka cadowga ku ah danaha Maraykanka taasoo keeni karta in lagu bartilmaamaysto ruux kasta oo haysta dhalashada Maraykanka.
“Maadaama ay dawlada Eritrea soo dhaweyso dadka naga soo horjeeda waxaan u jeedinaynaa dadka Maraykanka ah inaysan tagin dalka badda cas ku yaala ee Eritrea” ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka.
Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay inay suurto gal tahay in kooxo xidhiidh la leh xarakadda Al-Shabab ay bartilmaameed ka dhigtaan muwaadiniinta Maraykanka ayagoo uga aar gudaya dilkii hogaamiyihii Al-Shabab ee bilowgii bishaan gudaha Soomaaliya lagu dilay
Dadka Maraykanka u dhashay ee hadda Eritrea jooga ayaa waxaa loo jeediyay inay deg deg ula xariiraan safaaraadooda magaalada Asmara ku taala.
Dalka Eritrea waxaa uu ka mid yahay dalalka Africa ee lagu eedeeyo inay taageeraan Xarakadda Al-Shabab taasina waxay keentay in sanadkii 2009 in golaha amaanka ee Q,M ay cuna qabateeyaan dawlada Eritrea.
Xukuumadda Asmara ayadu inta badan waa ay iska dafirtaa inay taageerto Al-Shabab.