Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Barkhad Cumar Xaaji Khayre oo ku geeriyooday 12/09/2014 Magaalada Boorama, laguna aasay. Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaasha waa weyn ee Gobolka Awdal, xialal kala duwana ka soo qabtay Gobolka Awdal iyo Selel, waxa uu madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN