Tuesday, September 9, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Xaawa Cabdi Daawo Video


qarax




 




 




 




 




 
Muqdisho- 08 September 2014-(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii maanta kooxd geeysatay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
“Kooxahan Arga-gixisada ah ayaa caadeystay inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabad diidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waana la kulmi doontaa Ilaahey idinkiisa ciqaabta xanuunka shacabkeennu u geysateen ” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaallanto kooxaha arga-gixisada waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan looga sifeynayey dalka oo dhan.




Hoos Ka Daawo Muuqaalkii Weerarka




[youtube http://www.youtube.com/watch?v=P65rxe1jykI]