Nairobi(GNA)-Madaxwaynaha dalka kenya uhuru kenyatta oo magaalada nairobi saxafada kula hadlayey ayaa guul ku tilmaamay dilka hogamiyihii ururka alshabaab ahmed cabdi godane oo maraykanku sheegay inay ku dileen duqayn todabaadkii hore ka dhacday gobolka shabeelaha hoose.
Madaxwayne uhuru waxa kale oo uu sheegay in geerida godane ay tahay guul waxanu u mahad celiyey dowlada maraykanka ee weerarka fulisay.
Madaxwayna kenya waxa kale oo u sheegay in dowladisu sii wadayso dagaalka ay alshabaab kula jirto iyo tageerida dowlada somaliya.
Sido kale afhayeenka dowlada uganda oo layiraahdo Ofwono Opondo ayaa isna sheegay in dowladisu u dabaal dagi doonto geerida godane sababto ah bu yiri “wuxu dalkiisa ka gaystay dhibaato fara badan”ayuu yiri.
Dalalka kenya iyo uganda waxay kamid yahiin dalalka ashabaab ka gaysten weerarada intuu hogaanka alshabaab hayey ahmed godane, iyagoo dhanka kalena ku wada jira howl-galla AMISOM.
Kooxda Alshabaab ayaa Kenya ka fulisay weeraradii ugu khasaaraha badnaa sideedii bilood ee la soo dhaafay.
Cabdiraxmaan Buurdhaab
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: buurdhaab4@gmail.com