Thursday, September 11, 2014

Hargeysa: Laba aqal oo gubtay Maanta iyo Soltelco oo canaan u jeediyay shacbiga

[caption id="attachment_98243" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Qiiq iyo olol cirka isku shareeray guri gubanaya Muuqaalka Qiiq iyo olol cirka isku shareeray guri gubanaya[/caption]

Hargeysa(GNA)-Dab ayaa qabsaday laba guri oo ku yaalla Xaafadda Sheikh Mubarik ee Magaalada maanta, kuwaasoo la sheegay inay gabi ahaanba ku shuf-beeleen dabkaasi, hase ahaatee aan wax khasaare nafeed ah geysan.

Labadan Guri, ayaa la sheegay inuu leeyahay Nin Ganacsade ah oo hanta badan ku leh Hargeysa iyo Berbera.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa u sheegay Mareegta BTD, in khasaare badan oo adduun ka dhashay gubashada guryahaas, dab-damiska ayaan hore u iman goobta shilku ka dhacay, taasoo sababtay baaxada Khasaaraha iyo gubasho wakhti qaadatay oo aan gurmad ku filani jirin.

Wali wax macluumaad ah lagama hayo sababta dhalisay dabka inta le’eeg ee labada guri gubay, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa cilad dhanka Korantada ah.

Bishii la soo dhaafay waxa Guri gubtay oo ku yaalla Xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax uu sababay dhimashada saddex ubada oo walaalo ah, kuwaasoo ay goor barqo ah hooyaddood intay guri dusha kaga qufushay suuqa Adeeg u doonatay.

Saddexda carruurta ah oo uu dhalay Nin Macalin ka ah Dugsiga Waraabe Salaan ee xaafada Cabaaye, waxa ku jiray Cunug da’diisu ahayd 2 sano jir iyo Gabadh 6 Jir ah, sida ay Gobanimonews u sheegeen dadka xaafadaas degen oo argagax badan ka muujiyay masiibada qoyskan ku habsatay.

Degmada Gacan-libaax oo ay ka tirsantahay Xaafaddan Maanta labada guri ku gubteen, ayaa ka mida degmooyinka ugu balaadhan Magaalada Hargeysa, waxaanay maamushaa xaafado badan oo ay degenyihiin dadka danyarta ah.

Dabka ka mida halista ugu badan ee bulshada reer hargeysa ka cowdaan, inkasta oo dawladda hoose dhawaan la soo degtay Gaadiid badan oo dab-damisa.

“in badan ayaa laga cabanayay dab damis la’aan, laakiinse maanta waynu haysanaa dab-damis inagu filan iyo Ciidan inagu filan ee waxaa loo baahanyahay inaynu maqaalufo yeelano”sidaas waxa sheegay todobaadkan Maayir caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).soltel

Maayir Solteco, ayaa sheegay inay gaadiidka dab-damisku iyagoo u gurmanaya goob gubanaysa ay waddooyinka ku xanibmaan “dab-damisku iyagoo gurmad ku jira ayay waddooyinka ku xidhmaan” ayuu sii yidhi, “ markay meesha gubanaysa gaadhaana waxa dhacda inay dadku carqaladeeyaan. Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshada inay la shaqeeyaan Ciidanka Dab-damiska.”

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com