Saturday, September 13, 2014

Guddoomiye Cirro fashilay qorshe lagu Ansixin lahaa Xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah

[caption id="attachment_92164" align="alignleft" width="300"]Cirro oo Madaarka lagu soo dhaweeyay Cirro oo Madaarka lagu soo dhaweeyay[/caption]

Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dalka si kedis ah ugu soo laabtay saaka, kaddib markii uu muddo todobaada ka yar socdaal ugu maqnaa dibada.

Cirro ayaa saaka ka soo degay Madaarka Diyaaradaha, waxaanu markiiba fashiliyay qorshe la doonayay in si fool eri ah loogu ansixiyo xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah.

Markii uu ka soo degay Madaarka waxa uu si toosa u soo abaaray fadhigii Golaha oo uu shirr-guddoomiyey ku-xigeenkiisa 1aad Baashe Maxamed Faarax, iyadoo uu fadhiga soo gaadhay wax yar kaddib markii mudaneyaasha loo qaybiyay nuqulada qabyo-qoraalka Xeerka diwaan-gelinta Medenig ah.

Waxaanu markiiba la wareegay Shir-guddoominta fadhiga, isagoo mudaneyaasha ku war-geliyay in xeeeka ay ku jiraan qodobo badan oo caqabad ku ah doorashooyinka kuwaasoo hadii la ansixiyo dalka fowdo ka abuuri kara.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa mudaneyaasha u sheegay in maalinta beri Golaha ay horiman doonaan Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixin doona geedi socodka howlaha Doorashooyinka.

“maanta waxa Golaha ka dhacay arrin taariikhi ah, waxaana la hor-istaagay shirqool la doonayay in golaha lagu marsiiyo xeerkaa xukuumaddu wadato ee dalka lagu khalkalinayo”sidaasi waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee la dhacsanaa go’aanka Guddoomiye cirro ku kala kiciyey qorshihii xukuumadu wadatay.

Laakiinse waxa arrintan ka soo horjeestay oo waliba ku taamaya inay ansixiyaan Mudaneyaasha Golahaasi ee dhinaca Xukuumadda u janjeedha “howshan waanu dedejinaynaa waanay soconaysaa , cid ka hor imanaysaana ma jirto”sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay  Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo tirsan xubnaha ugu firin-fircoon aqalka wakiilada ee Xukuumadda u jan-jeedha.

Golaha Wakiillada ayaa si weyn ugu kala qaybsan diwaan-gelinta Jinsiyadaha ee ay xukuumaddu wado iyo xeerka loo sameeyay labadaba.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com