Monday, September 8, 2014

Golaha Wakiillada Somaliland oo Gaashaanka ku dhuftay Diwaan-gelinta Waran-cadde


wakiilada.jpgHargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa Isniintii Maanta hortegay Aqalka Wakiillada, si uu warbixin ku saabsan xaalada amniga  u siiyo Mudaneyaasha.




Waran-cadde ayaa warbixintiisa ku sheegay in nabad-gelyada dalku fiicantahay, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax cabsi ah oo xilligan nabad-gelyada khatar ku ah oo muuqda.




Waxa uu mudaneyaasha tafaasiil ka siiyay habka loo qabanayo Diwaan-gelinta Medeniga ah, taasoo uu sharaxaad dheer ka siiyay Golaha nidaamka loo marayo, Dhaqaalaha ku baxaya, ujeedada laga leeyahay iyo sharciyada lagu dabaqayo.




Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu si cad u sheegay inay Diwaan-gelintan muhiimad weyn u leedahay Qaranka, isla markaana lagu kala aqoonsan doono Muwaadiniinta Somaliland u dhashay iyo dadka soogalootiga ah.




Waxa uu sheegay inay tahay astaanta lagu aqoonsan doono qofka dalka u dhashay.




Hase ahaatee wasiirku markuu warbixinta dhameeyay, Mudaneyaal ka tirsan golaha oo Su’aalo waydiiyay, ayaa si adag u naqdiyay Diwaan-gelintan.




Xildhibaan Siciid Cali Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, xeer-diwaan-gelintaas lagu qabanayona guddidiisu gacanta ku hayso, ayaa soo jeediyay inaanay xukuumadda wax diwaan-gelin medeni ah samayn ilaa inta xeerka la dhamaystirayo.




Xildhibaano kale oo iyaguna fadhiga ka hadlay ayaa dhaliilay Diwaan-gelinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan  farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona diyaar loo ahayn xilligan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com