Gabiley(GNA)-Xaaladda Magaalada Gabiley ayaa wali kacsan, kaddib markii maanta uu ka dhacay mudaharaad sababay dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare kale oo baaxadle.
Isku dhac dhex maray Bilayska iyo Shacbiga ayaa sababay dhaawacyada 6 qof oo Rayid ah iyo dhimashada Ilmo oo Sabi ah.
Wasiiro ka socda ayaa la tacaalaya Dejinta Xaaladan ka taagan Magaalada Gabiley, taasoo salka ku haysa Dilka Sarkaal ka tirsan milateriga Somaliland oo habeen saddexaad lagu dilay degmada qorulugud.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay bilaysku rasaas hoos ugu rideen dadka rayidka ah.
“shacbigu waxay diidanyihiin inay masuuliyiinta dawlada ka socdaa gudaha magaalada soo galaan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Gabiley.
Wariyaha Gobanimonews ee Gobolka Gabiley ayaa ku soo waramay inay magaalada ku soo jeedaan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska, kuwaasoo waajahaya dejinta xiisada wali taagan.
“dadku waxay leeyihiin Taxriir ayaan ka dhigaynaa meesha”ayuu yidhi Wariye ku sugan Magaalada Gabiley.
Wararka ku saabsan Dibad-baxani waxay intaas ku darayaan in Ilmaha yare e dhintay uu jiidhay Gaadhi Ciidanka RRU-du leeyihiin, laakiinse waxa jira warar kale oo sheegaya inuu jiidhay Gaadhi shacab leeyahay.