Thursday, September 11, 2014

Faransiiska oo ku biiray Dagaalka ka dhanka ah ISIS

france f mParis(GNA)-Dawladda farsiiska ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Islaamiga ah ee Daacish, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada ee dalkaas oo Arbacadii Warbaahinta la hadlay.

France ayaa marti-gelinaysa Shir Caalami ah oo looga hadli doono Khatarta ISIS ku tahay danaha reer Galbeedka ee Bariga dhexe iyo Ciraaq,sida ay sheegtay jariirada Newyork times ee ka soo baxda dalka maraykanku.

Wasiirka Khaarajiga ee Franceska Laurent Fabius ayaa sheegay inay taageero muuqata ka geysan doonaan si kasta oo looga hortegi karo Kooxda Islaamiga ah “waa halis qaran oo ka soo geli karta dhulkeena dhamaan waddooyinkeena oo dhan”ayuu yidhi Laurent Fabius oo ay soo xigatay AP.

Maraykanka ayaa abaabulaya guluf xooggan oo lagu muquuninayo dhaqdhaqaaqa isku magacaabay dawladda Islaamiga ah ee Ardul-shaam.

Aqalka Congresska ayaa la filayaa inay meel mariyaan qaraar ogolaanaya inay Washington ciidan Miletari oo dheeraad ah u dirto baqdaad, si ay u taageeraan dawladda cusub ee Ciraaq.

Aqalka cad ayaa Arbacadii waydiistay Golaha xeer-dejinta qorshe lagu waajahayo sidii looga hortegi lahaa ISIIL, waxaana dooda inta badan soo baxaysaa u muuqataa in Madaxweyne Obama uu doonayo inay baarlamanku fasax u siiyaan, qorshe uu dalka Ciraaq ugu duulo oo aan xagaal daac siyaasaddeed ku keenin qorshihiisa dambe.

Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inay Washington u taagantahay sidii dalka Ciraaq u yeelan lahaa dawlad caggo adag ku taagan oo ammaanka gudaha xasilisa.

Waxa uu sheegay inay ka caawin doonaan nidaamka cusub ee bedelay Xukuumadii kala qaybsanaan ta ee shiicadu hogaaminaysay, siday awood ciidan oo dhamaystiran u yeelan lahaayee “waxaan u taaganhaya ciraaq”ayuu yidhi.

Xarakada ISIS ayaa maalmihii la soo dhaafay dib looga qabsaday goobo muhiim ah oo ku yaalla Waqooyiga kurdiyiintu degto iyo dhinaca Koonfureed.

Laakiinse sida wali muuqata inay haystaan fursad ay ku sii fidi karaan magaalooyin kale oo dalka ka tirsan, sida laga soo xigtay xubno ka mid ah saraakiisha Daacish.