Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Fabio Borini ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii joogistiisa Liverpool.Borini ayaa xagaaga oo dhan lala xidhiidhinayay inuu ku biirayo kooxda Sunderland oo uu xili ciyaareedkii hore amaah kula joogay.
Borini ayaa la rajaynayay inuu Liverpool ka tagayo maalintii u dambeysay suuqa kala iibsiga balse wada hadalo u socday Liverpool iyo QPR ayaa burburay taas oo keentay inuu Borini ku sii nagaado kooxda Reds. Borini ayaa hore u diiday inuu 14 milyan oo gini ugu biiro kooxda Sunderland.
23 jirkan ayay kooxda QPR ku doonaysay 12 milyan oo yuro balse Borini iyo QPR ayaa ka heshiin waayay heshiiska shaqsiga ah taas oo sababtay gebo gabaynta iyo ka noqoshada go’aankii uu kaga tagayay kooxdiisa Liverpool.
Tababaraha QPR ee Harry Redknapp ayaa Borini ku eedeeyay inuu doonayo lacag badan oo mushaar ah wuxuuna yidhi: “Mushaarka uu Borini dalbanayay waa mid aanaan bixin karayn”.
Balse Borini ayaa farxad ka muujiyay inuu Liverpool iska sii joogo wuxuuna bartiisa twitterka ku soo qoray: “Ugu danbayn waalidii way dhamaatay, waan ku faraxsanahay inaan go’aankan aadka muhiimka u ah qaatay”.
Borini ayaa ahaa saxeexii kowaad ee Rodgers liverpool ku soo biiriyo sanadkii 2012 waxaana la sheegay inuu kula soo wareegay 10 milyan oo yuro, wuxuuna mudadaas kooxda u dhaliyay 2 gool oo kaliya 20 kulan oo uu u ciyaaray inkasta oo uu inta badan badal ku soo galayay kulamadaa.Laakiin Borini ayaa xili ciyaareedkii hore Sunderland ka caawiyay inay ka badbaado inay hoos uga dhacdo horyaalka ingiriiska isagoo u dhaliyay gool mihiim ah.