Monday, September 15, 2014

Dawladdaha Carabta oo ogolaaday in weerar lagu qaado ISIS-ta Syria

Washington oo Olole ka wada bariga dhexe iyo Isbahaysiga Ruushka oo si adag uga soo horjeestay...

JONH IYO ERGDORiyadh (GNA)-Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka john Kerry ayaa sheegay inay dalal ka mida carabtu ogolaadeen inay ka qayb qaataan duulaan lagu qaado Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish.

Kerry oo booqasho ku jooga Bariga dhexe ayaa sheegay inay wadamada qaar ogolaadeen in dalalkooda lagu tababaro Kooxaha ku mucaaridka ah ee Daacish iyo Maamulka ka dhisan Syria.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ka mida dalalka aqbalay inay marti gelinayaan gulufka lagu weerarayo Dawladda Islaamiga ah ee ISIS.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo Taageero ka helaya Isbahaysiga reer galbeedka, ayaa u miciyo lisanaya weerar lagu qaado Dagaalyahanada ISIS ee dalalka Syria iyo Ciraaq, waxaanay taasi leedahay weji kale oo siyaasaddeed oo looga rumaynayo qorshihii Maraykanku xididdada ugu siibayay Maamulka Bashar al Asadka Syria.

Aqalka cad ayaa tan iyo bishii April ee sanadkan ku mashquulsanaa hadal haynta Kooxda ISIS oo uu muuqata awood ka soo ifbaxday mandaqada Ciraaq iyo Syria xilli Washington raadinaysay qiil ay ku weerarto Syria.

Ruushka, Maamulka Bashar al asad iyo Iraan ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha duulaanka ah ee maraykanku hogaaminayo.

Isbahaysiga ruushka iyo Iraan Hogaaminayaan oo Shiinuhu ka mid yahay ayaa sheegay inay cawaaqib xumo abuurayso dagaalka Nato ku qaadayso gudaha Syria, uuna yahay arrin aan la aqbali Karin.

Muwqifyada kala durugsan ee Reer Galbeedka iyo difaaceyaasha Syria, waxa ka dhashay olole Washington qiil ugu raadinayso damaceeda oo taxane ah, kaasoo uu salka ku hayo safarka Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanku ku marayo bariga dhexe.

Warbixin ka soo baxday Mareykanka ayaa Mr Obama uu ku sheegay in ay Britain la shaqeyn doonaan iyo in isbeheysiga ballaaran ee ay dhisayaan uu soo qaban doono dadka fuliyay dilalka foosha xun ee lagu laayo danjireyaasha reer galbeedka ee Syria, siiba kuwii ka dambeeyay dilka daved haines oo sabtidii qoorla looga jaray Syria sanad ka bdan markii uu la hayste ahaa.

Wuxuu tilmaamay in ay garbaha isqabsan doonaan saaxiibkooda ugu dhow iyo dalka ay isku xulafada yihiin xilliga murugada ayna xallindoonaan dhacdada.

Reysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay inuu si buuxda ugu jiro isbeheysiga Mareykanka ee ladagaalamaya dowladda Islaamiga ah,"si la mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee uu badalay ee Tony Blair".

Dowladda Britain ayaa hub iyo rasaas siisay Ciraaq si ay ula dagaallanto xagjiriinta Daacish, sida uu kol hore sheegay wasiirka difaaca.

Xoogagga Kurdiyiinta, ee sidoo kale loo yaqaano Peshmerga, ayaa ku lug leh dagaal aad u xooggan oo ka dhan ah Khilaafada Islaamka.