Hargeysa(GNA)-Wasiirro ka socda Somaliland oo ku sugan Bariga Sanaag, gaar ahaan Magaalada Badhan ayaa xadhiga ka jaray Ceelbiyood halkaas laga hir-geliyay.Weftiga waxa ka mid ah Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo uu weheliyo Wasiir u dawlaha Xanaanada xoolaha iyo xubno kale.
Mashruucan waxa maal-gelisay Xukuumadda Somaliland , waxaanu qayb ka yahay Mashaariic lacag badan ku baxday oo saddexdii sanno ee u dambeeyay deegaamadaas loo qoondeeyay.
Halkan hoose ka Daawo Warbixin dhamaystiran: