Monday, September 8, 2014

Agaasimihii hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ee Soomaaliya oo la eryay – dhegeyso


[caption id="attachment_95700" align="alignleft" width="300"]Agaasimihi nabad sugida soomaaliya oo la eryay Agaasimihi nabad sugida soomaaliya oo la eryay[/caption]Muqdisho(GNA)-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).




Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga.




“Kulankii maanta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaa warbixin ku aadan amniga dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga laga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga waxayna soo saareen feejignaan gaar ah in masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab, goluhu wuxu soo dhaweeyay howlgallada ay wadaan Ciidamadda Xogga dalka iyo AMSIOM ee ka socda gobollada dalka” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.




Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa.




“Golaha Wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas inuu sii hayo ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda”




Hoos Ka Dhagayso




[playlist ids="95691,95692"]