Sunday, June 15, 2014

Xuseen M. Dhalac: Muuse Biixi waxa Taageersan Bulshada degan Saaxil ilaa Subulaha”Daawo


DHAMACHargeysa(GNA)-Xuseen Maxamed  Dhalac oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Ciise Muuse Galbeed, ayaa  Madaxwayne Siilaanyo U Sheegay Inaanay Muuse Biixi Taageersanayn deegaamo gaar ahi, balse ay taageersanyihiin Bulshooyinka ku nool Subulaha ilaa Saaxil.




Hadalkan ayuu ka jeediyay xaflad xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo lagu taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi, taasoo ay ka soo qayb-galeen Odayaal, siyaasiyiin iyo dhalinyaro badan.




 “Madaxwayne Waxaad U Haysataa ama kuwa kuu dhaw-dhaw ku sheegeen in Muuse Biixi Cabdi ay tageersan yihiin Beel gaar ah, Laakin Madaxwayne Waxaan Ku Sheegaynaa In ay tageersan yihiin Beelaha Dega Subulaha Ilaa Saaxil ama Beel Waynta Habar Awal”yuu yidhi.




Halkan ka Daawo: