Wednesday, June 25, 2014

Xildhibaan Nac-nac: Ganacsatada xaliyey khilaafka KULMIYE, waxay ahaayeen xisbiga"


" Siciid Cilmi Madaxweyneha Amar ma siin karo”




xildhibanHargeysa(GNA)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Golaha wakiilada Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaymo ay xukuumadda talada haysa u jeediyeen xildhibaanno ay isku Gole yihiin, kuwaasi oo shir jaraa’id oo ay doraad ku qabteen Magaalada Hargeysa ku sheegay in xukuumaddu tacadiyo kula kacayso saxaafadda isla-markaana ay jabisay qodobbo badan oo dastuurka qaranka ka mid.




Xildhibaan Nacnac,oo deba socday eedaymaha xildhibaannadaasi oo ay ka mid ahaayeen Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xisbiga KULMIYE iyo xildhibaanno ka mid ah xisbiga WADDANI, ayaa xildhibaannadaasi ugu baaqay inay ka waan toobaan ceebaynta xukuumadda iyo dhaliilaha aan la taaban Karin oo uu tilmaamay inay xukuumadda la deba joogaan.




Xildhibaan, Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ugu horeyn ka hadlaya xaaladda dalka ee wakhtigan sida uu u arko waxa uu yidhi “Somaliland waxay ku jirtaa oo ay mareysaa xaaladdii ugu wanaagsanayd, waana waddan cagta saaray waddadii horumarka, waad ogtihiin oo la inama ictiraafin, laakiin waxaa yar ee dadka laga soo ururiyey ayaynu dawlad ku noqonay, markaa xaaladdeenu aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay”




Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday, ayaa sidoo kale ka hadlay tanaasulka Muuse Biixi ee ganacsatada beeshiisu ku guuleysatay “Ganacsatada ka shaqeeyay xalka khilaafka KULMIYE, waxay ahaayeen xisbiga, ganacsataduna xisbi walba, ganacsatadii KULMIYE ayay ahaayeen iyo dad kale oo ku jiray, waana ganacsatadii taageeray KULMIYE, mar haddii ay iyagu is xilqaameen oo uu ka aqbalayna way ku mahadsan yihiin, waana ILAAHAY Mahaddii”ayuu yidhi.




Xildhibaanku, oo la waydiiyey inuu xildhibaannada Mucaaradka ah la qabo eedaymaha ay xukuumaddu ugu jeediyeen inay saxaafadda cabudhinayso, ayaa ku jawaabay “Lama qabo saaxiibaday In xukuumaddu cabudhinayso saxaafadda, waxaanan leeyahay danta ummada iyo dalka u soo jeedsada oo haku Mucaaradina Mucaarad ayaan ahayn uun” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo tusaaleynaya “Nin Sayniska noo dhigi jiray ayaa odhan jiray, su’aasha ha ii waydiin uun su’aal ahaan..markaa .waxaan leeyahay dhaliiluhu way wanaagsan yihiin, laakiin saaxiibaday ha iska daayaan dhaliilahan bilaa Macnaha ah oo wax la taaban karo haku dhaliilaan dawladda”




Xildhibaanka oo la waydiiyey inay xildhibaanadu ku saxan yihiin inay yidhaahdaan xeerka saxaafadda haloo raaco saxaafadda, ayaa ku jawaabay “Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaannada kale, waxaan leeyahay qofka meel kaaga dhaca waydinka markaaba Booliska ku carara ee yidhaahda maxaa waxaa la iigu yidhi, markaa qofku hadduu caytamo ama uu aflagaado ka baxsan saxaafadda sameeyo xeer-baa jira iyo sharci, sharciga waxa uu ka muteysto ayuu leeyahay, qof walba sharciga hala mariyo ayaanu leenahay, sharcigu sida uu yahay ha loogu qaado oo yaan lagu tacadiyin”




Xildhibaan Nac-nac, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo ay xildhibaannada Mucaaradka ahi xukuumadda ugu jeediyeen inay nidaamkii dalka aanay hagaajin, hasa-yeeshee ay guryaha uun ranjiyeynayso “Wax walba qurux ayay leeyihiin, waddooyinkaa aad arkaysaa Magaalooyinka ayay qurxiyaan, dhaqaalaha ayay kobciyaan, Soomaalidu waxay tidhaahdaa..Hugaagu wuu kula baryo tagaa..markaa qurxinta iyo dhismaha guryaha dawladdu waa ta ugu horeysa dawladnimada, godkan aad nagu wadaan (Mucaaradkow) ILAAHAY naguma ridee, dawladdana waxaan leeyahay qurxinta sii wada oo dedaalla, wixii la qaban karana qabta. Waxaad tihiin kuwo (Mucaaradka) marka meel la dhagax dhigo ka xanaaqa, marka meel la furayana ka xanaaqa. Waxaad tihiin xildhibaanadii waddanka loo dhaariyey ee horumarkiisa ka shaqeyn lahaa, haddii dawladdani fool xumo ka shaqeyso hadhow waxaad odhanaysaan dawladdaasi fool xumo ayay waddanka u keentay, quruxdana waad diidaysaan, halkeenu idiin raacnaa waaryaadhaheen wax iskula hadha”




Xildhibaan Nac-nac, oo la su’aalay halka uu ku dambeeyay hadal uu hore u sheegay oo ahaa in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble laga saarayo xisbiga KULMIYE, ayaa ku jawaabay “Weli wuxuu ku jiraa xisbiga, Meesha kama tage, meesha haddaad nacdo waa la iskaga tagaa adeer, WADDANI ayuu galey ee Alle ha u barakeeyo, annagana kaayaga Alle ha noo barakeeyo, waxaan leeyahay waar xisbigaad gashay raac, xisbigan KULMIYE ha nagula jirin, Golahana ha nagula jirin, meel uun isugu baydh”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka hadlaya in xildhibaannada Golaha wakiiladu u yeedhi karaan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka “Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka way u yeedhi karaan, laakiin Siciid Cilmi Rooble Iyo Qayrkiiba Madaxwaynaha amar ma siin karaan (Inuu hay’adaha garsoorka ku deba galo in sidooda loo fuliyo shuruucda), waayo Madaxwaynuhu marka uu qof shaqo u dhiibto waala dhaariyaa”