Wednesday, June 25, 2014

Uruguay Oo Talyaaniga Ka Reebtay Koobka Aduunka Una Gudubtay Wareega 16-Ka.


Italy-oo1-500x200Goolkii madaxa ahaa ee uu ka dhaliyey ciyaaryahanka Difaaca kooxda Atletico Madrid ee Diego Godin ayaa u suurto gallisay in Uruguay u gudubto wareega 16 ka , xulka qaranka Italy-na oo 10 ciyaaryahan ku ciyaaryayna ka reebay koobka kubada cagta aduunka ee sanadkan.




Ciyaar adag oo labada xul ku dhex martay Arena das Dunas, ee magaalada Natal, ayay Talyaanigu ugu baahnaayeen barbar dhac kaliya si ay iyagu u noqdaan kooxda gudbaysa , laakiin nasiib daro 1-0 lagaga adkaaday ayaa xulka awooda badan ka saaray tartanka.




kadib markii la isku mari waayay qaybtii hore ee ciyaarta , 0-0, ayuu daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta kaadhka casaanka ah u dhiibay garsoorihii ciyaartu Claudio Marchisio , Talyaanigana ka dhigay kuwo dhutinaya , taas oo sababtay in 1 gool lagaga naxsado daqiiqadii 81 aad ee ciyaarta.




Garsooraha ciyaarta ayaan ganaaxin Luis Suarez oo sidii caadada ahayd qaniinyo garabka ku goostay difaaca xulka Italy ee Giorgio Chiellini, qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu ka cidhiidhiyey kubad soo dhex gashay labada ciyaaryahan.




Xulka England oo isna la ciyaaryay qaranka kaalinta koowaad ku baxay ee Costa Rica ayay ciyaartoodii ku dhamaatay barbar dhac 0-0 ah.




Group D ayaa waxa kaalinta koowaad ku baxday iyo 7 dhibcood xulka Costa Rica , waxaana raacay oo ula gudbay wareega 16 ka xulka isla Koonfurta Maraykanka ah ee Uruguay , waxaana Group kan ka hadhay ITaly iyo England.