Monday, June 30, 2014

Waqooyiga Yurub oo 21 sacadood la soomo Bisha Ramadaan


MuslimsStockholm(GNA)-dalal ku yaala Waqooyiga Qaarada Yurub ayaa sanad kasta waxa laga soomaa wakhti ka badan 20 saacadood oo xidhiidh ah.




Dadka Islaamka ah ee nool dalalka Sweden, Norway iyo waddamo kale oo ku yaala waqooyiga Qaaradda, ayaa Sooma inta u dhaxaysa 21:30 ilaa 20:30, iyadoo Muslimiinta Norway ay saacad ka dambeeyaan kuwa Sweden.




Waddamadan ayaa waxay dadku afuraan iyadoo cadceedu soo jeeda,waxaanay ku afuraan jadwal saacadddeed oo culimada Islaamku u dejiyeen, jedwalkaasaasi ayaana lagu soomaa laguna afuraa.




Laakiinse Mushkiladu waxay ka dhacdaa wakhtiga Salaadaha iyo dadku inay seexdaan oo aad u kooban, waxaana is-gala ama riixa Salaada  Maqrib, Cishaha iyo Taraawiixda, iyadoo inta saddexdaa Saladdood la tukanayo hadana waagu beryayo oo loo kacayo salaadii Subax.




“Afurka iyo Suxuurta waxa u dhexeeya afar saac iyo bar, qofku isagoo hadeer afurayt ayuu hadana afar saac iyo bar la odhana waxa gaadhay suxuurtii”sidaasi waxa yidhi Maxamed Axmed Gentleman oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Sweden.




Gentleman, ayaa intaas raaciyay “ dhibaatada ugu badan ee dhacdaa waxay ka taagantahay xaga Salaaddaha, taasna Culimada dalkan ayaa jawdal dejiyay oo fadwooyin waxa jira wakhtiga salaadaha iyo xiliga lagu afruyo lagu dejiyay” ayuu yidhi.




Dalal  badan oo kale ayaa dadka Muslimiinta ah  ee ku nool wakhti badan soomanyihiin sida Ingiriiska iyo dalal kale.




Gobanimonews




Lodnon Office




Email: editor@gobanimonews.com