Thursday, June 26, 2014

Hargeysa: Guddi beeleed Qaadhaan Dalbday


hodaaleHargeysa(GNA)-Guddida Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale, ayaa kulan ballaadhan oo qaadhaan ururin ah u qabtay Ganacsatada, Masuuliyiinta, Culimada iyo Salaadiinta beeshaasi.




Kulankan oo ahaa hadhimo sharafeed oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa  waxa ka qayb galay, Salaadiin, Xildhibaanno, Ganacsato, Culmaa’udiin iyo dadweyne kale, waxaana kulankaasi ugu hooray lagu soo bandhigay warbixin ay guddida Hoodaale ka soo diyaariyeen kormeer ay ku soo sameeyeen deegaamo ka mid ah kuwa ay beeshu degto.




 Warbixintan, ayaa si qoto dheer loogaga hadlay, xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadka reer guuraaga ah ee beesha Sacad Muuse, gaar ahaan deegaamada Sayla illaa Wajaale oo ay guddidu soo mareen, waxaanay u soo bandhigeen dadkii munaasibadda ka soo qayb galay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaamadaasi iyo baahiyaha wakhtigan u baahan in wax laga qabto.




 Maxamed Cabdi Alla-magan oo ah waaxda qorshaynta ee Guddida Hoodaale, ayaa soo bandhigay warbixintan, waxaanuu ugu baaqay dhamaan beesha gudo iyo dibadba in guddida lagu taageero sidii wax looga qaban lahaa baahiyahaasi ku gedaaman dadka reer guuraaga ah ee beesha.




 Guddoomiyaha Guddida Hoodaale Maxamuud Qaalib Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddida la taageero, waxaanuu sidoo kale sheegay inay soo mareen deegaamada waqootiga Hargeysa oo ay u kuur galeen xaaladda dadka ku dhaqan deegaamadaasi, kuwaasi oo uu tilmaamay inay u baahan yihiin in wax loo qabto, waxaanuu yidhi “Waxaanu soo marnay deegaamadda Daara-salaam, Ceel-sheekh Bulla-xaar iyo deegaamo kale, waxaanu soo aragnay waxyaabo badan oo qiiro na geliyey, safarkii labaadna waxaanu u baxnay, Safarkii labaadna waxaanu u baxnay deegaamada galbeedka Hargeysa oo ah Layla Bari illaa Wajaale, waxa noo dhiman uun Gabiley wixii ka shisheeya, waxaanuna ku talo jirnaa in aanu u baxno oo aanu soo ogaanno xaaladda ka jirta”




 Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu farxay midhihii shirkii Hodaale oo shaqaynaya inuu arko, waxaanuu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta arko midhihii shirkii Hodaale oo muuqda, waxa halkan lagu soo bandhigay waxyaabihii jiray iyo nidaamkii sidii uu ahaa, waxaan leeyahay gacan weyn ha lagu siiyo guddida shaqada ay wadaan, waa in xaga dhaqaalaha laga taageeraa, waxaan leeyahay waar gacmaha isku qabsada oo is kaalmaysta, aad ayaan uga yar naxay markii aan arkay dadkeenii baadiyaha oo laga sheekaynayo, waa dadkii aynu xoolohoodii qalanaynay, waxba kumaynaan celin, waxa weeyaan in gacan weyn lagu siiyo guddida, waxaan leeyahay ninkii is lahaa shirkii hodaale waxba kama noola waxaan leeyahay wuu noolyahay oo wakaas maantaba, waxaan idinkula talinayaa aynu is taageerno oo guddidana aynu taageerno”ayuu yidhi suldaan xasan.




 Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Balaki) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha wakiillada Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa u soo jeediyey dhamaanba beesha gudo iyo dibadba in la taageero guddida Hodaale, waxaanuu bogaadiyey hawsha ay hayaan.




Sheekh Maxamed Aadan oo ah Guddoomiyaha dhinaca dhaqaalaha ee Guddida Hoodaale oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu mar kasta ka shaqeeyo dhaqaale ururinta danaha caamka ah, balse uu hadda ka shaqayayo dhaqaale ururinta beesha oo uu diyaar u yahau inuu ururiyo dhaqaalaha beesha qax loogu qabanayo.




 Ugu dambayntii waxa halkaasi lagaga dhawaaqay lacago qaadhaan ah oo ay ku deeqeen masuuliyiintii iyo ganacsatadii goobta ku sugnaa, kuwaas oo si shaqsi shaqsi ah  ugu dhawaaqay lacago ay ugu deeqeen gudida, waxaana halkaasi lagu ururiyey lacag gaadhay illaa konton kun oo dollar ama ka badan, taas oo loogu talo galay in wax loogu qabto dadka beesha ee miyiga oo lagaga taageero waxyaabaha ay u baahan yihiin eek ala duwan.




Wariye Hudle




Gobanimonews




Hargeysa Office