Thursday, June 26, 2014

Muj. Cali Xaraaro oo fashiliyey Heshiisyo Qarsoodi ahaa oo Siilaanyo galay Xiligii Ollolaha


Heshiisyadii uu Galay Silaanyo Xiligii Ololaha Doorashadii Madaxtooyada uu Xusbiga Kulmiye ku guulaystay Waxaa Kamid Ahaa, Heshiis ay Galeen Labada Beelod ee Maxamed Case/ Samaroon Iyo Habarjeclo, Heshiiskaasi Waxa uu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Bishii Sept 2007.




 Heshiiskan Waxaa labada beelod uga qayb galay Ergo isleeg oo ah dhinacba 13 Xubnood Heshiiskan oo ahaa mid qarsoodi ah madama oo ay jireen heshiisyo kale oo uu Gudoomiyihii Xisbiga ahaana Musharaxa Madaxweyne beelo Iyo Shaqsiyaad Xusbiga miisan ku laha.




Heshiiskaas Waxaa ay labada beelod isla qaaten oo Kasoo Baxay Qodobo ay ugu muhiim sanaayen





  1. In Beesha Maxamed Case ay Taageeradooda isugu geeyan Xisbiga Kulmiye oo Aanay Ka Raacin Musharaxa Ay isu Reerka Yihiin ee uu Ka Dhaxeeyo loolanka adagi ee Xisbigii Udub Daahir Riyaale oo Markaa Ahaa Madaxweynihii Dalka


  2. In Musharaxa Ku Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye ay Qaatan Beesha M.Case oo laga Takhaluso C/raxmaan Tolwaa iyo Siyaasiyiinta kale ee reer awdal ee aan ahayn beesha M.Case.




Markii heshiiskaasi Hirgalay ee la soo gaadhay Guushi Xusbiga Kulmiye Ayaa Hadana Waxaa Kulan isugu yimi gudidii labada reer ee Gashay heshiiska Hore Waxaana ay markale ku kulmeen magaalada hargeysa 12/09/2010 Waxaana ay Isla Garteen oo ay heshiis ku galeen Heshiis labaad oo Ay Qodobadiisa ay ugu muhiimsanaayen





  1. *In Iskaashiga Dhinaca Siyaasada ee labada reer la Xoojiyo.


  2. In Laga Takhaluso Xusbiga Udub oo Ay reer awdal ku lahaayen miisan culus si beesha M.Case ay unoqoto Gadhwadeenka siyaasada ee Gobolka awdal, Lana Furo Xeer 14 Iyo Ururada siyaasada.




In Hadii ay timaado Xaalad Suurto Galisa In M/weynaha ama kuxigeenku Ka Baxo Booskiisa Lagu uu Ka Soo Hadhaa Ku Soo Badalo Masuul reerkiisa, Tusaale ahaan :-





  • . Hadii Saylici Ay Ku Timaado Geeriyi ama wax uu ku waayo xilka in Silaanyo M/Xigeenka uu Kasoo Xulanaayo Golaha Wakiilada uu ahaado Qof kasoo Jeeda Beesha M.Case.


  • Silaanyo Hadii ay sidan oo kale ku timaadona uu Saylici Ku Xigeen ka dhigto Qof beesha H.Jeclo ah, Waliba Waxaa Lagu Cadeeyay In Qofkaasi Laga dhigo Xildhibaan Cali Mareexaan Hadii uu Markaa Xildhibaan Yahay.




Taasi oo Aad uu uga Cadhooday ninka la yidhaahdo Ina Sanweyne oo ay silaanyo ilmaabti yihiin oo ilaa imika dudmadii iyo cadhadii qodobkaa ay ku kala maqan yihiin Silanyo.




Markii Heshiiska hore dhacay Ayaan anigu Waxaan ahaa kulmie Waana arimihii aan kaga tagay xisbiga waatii rag badan saamaysay ee Burco lagu kala guuray ee C/Raxmaan Tolwaa iyo Rag Badan la tagtay.




Heshiiska Danbena Waakii Galaafatay Xusbigayagii udub iyo ururadii Awooda siyaasadeed lahaa ee Xaqsoor ka midka ahaa




Waana Ka Ilaa maanta ay rag badan oo Kulmiye ah Kolba la boodaaya ee loogu gai layahay Odayga Waana uu shaqaynayaa illaa imika heshiiskaasi oo Axmed-Silaanyo Doorasho Iyo Doorasho la'aanba Cidi Meesha ka dhaqaajin mayso oo Calanka In Lagu Aaso Ayaa Lagu Heshiiyay, Saylici Hadii laga riixdo iyo hadii uu iskii uga tagona Waxaa Balanku Yahay In Cid Beeshiisa ah lagu soo Badalo Silaanyona Madaxweyne Xaqa Ku Sugo oo Maamuuska Calanka Lagu aaso.




Muj Cali Cismaan Libaax {CALI-XARAARO)




Siyaasi ka tirsanaa xisbigii UDUB