Saturday, June 28, 2014

Khilaafka KULMIYE wuxuu la mid yahay ninkii Ilaahay Wediistay Boqolka Wan…


Khilaafka KULMIYE wuxuu la mid yahay ninkii Ilaahay Wediistay Boqolka Wan ee Saaxiibkiina Ilaahay Weydiistay Boqolka Waraabe ee uu Dhex Maray Dagaalka Gacan Ka Hadalka ahi  .




Badhtamihii sanadihii sideetamaadkii ayaan maalin maalmaha ka mid ah la kulmay ninkii ahaan jiray madaxa baadhista ee saldhiga dhexe ee maaaladda hargeysa , oo la odhan jiray sadex xadhigle Cabdi Yuusuf ninkaasi oo mudo dheer ku soo jiray hawlaah baadhista booliska ,khabiirna ku ahaa sida loola dhaqmo dadka iyo sida loo ogaado xaqiiqda jirtay ,ayaan weydiiyey mudadii uu jiray hawlaha baadhista dacwadii ugu mucjisada badneyd eeb uu arko ? waxaanu Cabdi Yuusuf iigu jawaabay sidan:




Dacwadii iigu mucjisada badneyd ee aan la kulmaa waxay ahayd had iyo jeer marka dacwad laguu keeno ,dacwadaasi waxay u qaybsamaysa laba dhinac oo hadii ay ciqaab tahay waxay u qaybsamaysaa dhibane iyo eedeysane hadii ay dacwadaasi madani tahayna qaxay u qaybsamaysa laba dhinac oo kala ah dacwoode iyo wacweysane.




Hadaba waxa dhacday ayuu igu yidhi cabdi yuusuf in habeen habeenada ka mid ah saldhiga la keenay laba nin oo waxyeelo isku geystay  oo labadooduba dhaawacyo qabaan oo ay la socdan raggii ay saaxiibada ahaayeen ,ee goob jooga ahaa makrii uu falkani dhacay ,maragna ka ahaa wixii sababay in ay labadan nin isku gacan qaadaan oo ay waxyeelana isku geystaan.




Saacadu waxay ahayd markii nimankaasi dhaawacyada qaba saldhiga la keenay goor danbe oo habeenka gelinkiisa danbe ah ilaa 1:00 habeenimo , isla markiiba waxaan isku dayey in aan wax ka qoro labadan nine e dhawacyada qaba iyo markhaatiyaashii goob jooga ahaa waxayna dhamaantoodba  si isku mid ah ii ugu sheegeen warbixintan soo socota.




Wuxuu ninkii hore yidhi Annaga oo qayilayna ayaan anigu ilahay baryey oo aan saaxiibaday ku idhi saacadaha danbe ilahay ducada uu aqbalaaye ,waan ducaysanayaaye idina aamiin ii dhaha ,waxaan ilaahay ka bar yay ayuu ninkaasi yidhi in uu ilaahay i siiyo boqol wan ,saaxiibadayna dhamaantoodba waxay yidhahdeen aamiin .markii aan anigu ducadii aan dhamasytay ayuu ninkan kale  ee aan waxyeelada u geystay isaguna yidhi aniguna ilaahaybaan bar yaayaye aamiin ii dhaha ,waxaanu ninkani ilaahay ka bar yay in uu ilaahay siiiyo boqol waraabe ,raggii kale ee aanu wada fadhinay markii ay dhamaantoodba aamiin yidhaahdeen ,anigu waan diiday ,waxaanan ku idhi jooji boqolkaasi waraabe ee aad ilaahay weydiisanayso ujeedada aad ka leedaahyna waxay tahay , in boqolkaaga waraabe ay cunaan boqolkayga wan .




Hadaba ninkii wuu diiday in uu joojiyo baryadii uu ilaahay ka baryaayey boqolka waraabe ,markaa kadibna waxa dhacay in uu hadalkii naga duulay dagaalkaasi gacan ka hadalka ahina sidaasi ayuu ku yimid,waxa kale oo uu Cabdi Yuusuf intaasi iigu daray markhaatiyaashii goob jooga ahaa dhamaantoodba waxay ii sheegeen inta uu ninkaasi sheegay in leeg,su’aalihii aan markhaatiyaasha weydiiyeyna waxa ka mid ahayd markii labadan nin uu hadalku ka duulay intii uusan gacan qaadku iman miyaydaan arinta dhex gelin? Waxay se iigu jawaabeen ayuu yidhi raggayagii goob jooga ahaa waanu la kala safanay oo raga qaar waxay ku doodeen mar hadii uu ninkaasi hore ilaahay weydiistay boqol wan in uu ninkan danbana xaq u leeyahay , in uu ilaahay weydiisto boqol waraabe ,arintuna halkaasi ayay ka qoloocatay.




Hadaba saaxibayaal hadii aynu u soo gundo degno khilaafka manta KULMIYE dhextaagani kama duwana ninkaa ilaahay weydiistay boqolka wan ee saaxiibkii markii uu ilaahay weydiistay boqolka waraabana ku yidhi jooji ducadaada oo boqolkaaga waraabe waxay cunayaan boqolkayga wan.




Tusaale kooban hadii aynu u soo qaadano xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiika dhalatay halka ay manta taagan tahay waxa tusaale inoogu filan xafladii lagu xusaayey 26 june oo ahayd xaflad qaran oo lagu qabtay madaxtooyadda kamaysoo qayb gelin hogaamiyaayaasha sadexda xisbi qaran oo dhamaantoodba markii ay xafladaasi dhacaysay hargeysa ku sugnaa, arintaasi waxay muujinaysaa wararkii isa soo tarayey ee sheegeyey in siilaanyo talaba aanay  faro ugu jirin ,iyadoo ay xafladaasina si toos ahna looga daawanayey caalamka oo dhana ay ka dhex muuqdeen dumar iyo caruur.




Waxaana muuqata in siilaanyo maanta uu taagan yahay marxaladii uu Siayad Barre taagnaa sanadkii 1989-kii oo iyadoo marxaladda magaalooyinka waaweyn ee goboladii waqooyi ku sugnaayeen la ogaa ,hadana Siyaad Barre inta ku xeerani ay u sheegi jireen ooay ku odhan jireen waxay ciyaar kubada cagta ahi manta dhex martay Burco iyo hargeysa,marka uu weydiiyey labada magaalo tii badisayna ee ay ugu jawaabaan waxa badisay Burco wuxuu Siyaad Barre odhan jitay in badanbaa la odhan jiray Burco laga badi, mar se hadii manta burco badisay waa guulihii kacaanku gaadhay ee ha lagu daro wax qabadka kacaanka.




Hadaba isku soo duuboo Khilaafka KULMIYE wuxuu la mid yahay ninkii Ilaahay Wediistay Boqolka Wan ee Saaxiibkiina Ilaahay Weydiistay Boqolka Waraabe ee uu Dhex Maray Dagaalka Gacan Ka Hadalka ahi  .




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland