Sunday, June 29, 2014

Dhibaatada carruurta ka soo gaadha waalidiinta qaar


download (1)(GNA) Carruurta dhibaato xooggan ayaa ka soo gaadha muranka iyo ismari waaga dhex mara waalidiinta qaar.




 




Waxay sababtaa inay nacaan guriga, waxaana ay asxaab ku yeelanayaan bannaanka, taasna ma dammaanad qaadeyso inay la saaxiibayaan dad wanaagsan.




 




Qaarkood balwado xun ayay bartaa, way dhaqan doorsoomaan, xitaa waxaa suuragal ah in waalidka ay dhibaato kula soo noqdaan.




 




Qurbaha




 




Soomaalida ku nool qurbaha, gaar ahaan dalalka galbeedka ayay dhibaatada ugu badan arrintaa ka heysataa, waxaana mar kasta soo noqnoqta in dowladaha ay la nool yihiin ay kala wareegaan mas’uuliyadda carruurtooda.




 




Waxaa dhacda in carruurta ay waalidiinta ku dacweeyaan dhibaatooyinka ceynkaas ah ama dadka dariska la ah ay arkaan dhibaatada qoyska, kaddibna loo gudbiyo ciidamada ku shaqada leh arrimahaasi.




 




Dhawaan waxaa magaalada Amsterdam lagu qabtay shir ay jaaliyadda Soomaalida ka qeybgaleen, kaas oo diiradda lagu saarayay sababaha arrimaha nocaas ah ay u soo noqnoqdaan.




 




Inkastoo ay ila tahay in shirarka ceynkaas ah oo la badiyaa ay wax ka tari karto yareynta dhacdooyinka noocaas ah, hadana dhaqanka meesha ka jira ayaan saamaxeynin in la cirib tiro.




 




Xalka




 




Madaama dhibaatadan ay tahay mid sabab leh ayaan jeclaan lahaa inaan qodobeeyo waxyaabaha xalka noqon kara:




 




    Madaama dhibaatada iyo farqiga soo kala dhexgala waalidiinta ay sabab u tahay dayaca iyo dhibaatada maskaxeed ee carruurta soo gaardha, waxaan soo jeedin lahaa in waalidiita ay si wanaagsan isula dhaqmaan, isla markaana carruurta hortoda aanay isku qabqabsan.




    Arrin kale oo indha laga qabsan karin waa deegaanka, haddii aad awooddo in carruurtaada aad geyso meelaha nabdoon ee dalkeena ama dalalka Islaamka, haka laba labeyn ee geey, taas waxay horseedeysaa in carruurta ay dhaqanka galbeedka ka weecdaan, kan islaamiga ahna ay qaataan.




    Waxaa kalood sameyn kartaan in carruurta aad dhaqan toosisaan adinkoo jooga meelaha aad ku nooshihiin, carruurta waa loo sheekeeyaa waa laga sheego dhageystaa, wanaaga ayaa la faraa, haddii bedelkii intaas aad canaan ugu badasho waxay u keeni kartaa qallafsanaan iyo inuu dhaqamada carruurta kale ee uu la nool yahay uu qaato.




 




Diyaariye:-C/Qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com