Wednesday, June 25, 2014

Xiisad u dhaxaysa laba beelood oo ka taagan Deegaanka Dacawaley ee Koonfurta Hargeysa


Dacawaley(GNA)-Xiisad u dhaxaysa laba beelood  ayaa la soo sheegay inay ka taagantahay Deegaanka Dacawaley oo ka mid ah  Deegaamada koonfurta Gobolka Maroodi-jeex ( Hargeysa), kaddib markii muran soo kala dhex galay laba ardaa oo halkaa wada degen.




Maleeshiyaad hubaysan oo sida la sheegay ka soo jeeda mid ka mid ah labadan Ardaa, ee deegaan wadaagta ah, ayaa waxyeelo u geystay dad ka soo jeeda dhinaca kale, iyo ceelal biyaha laga cabo, taasoo sababtay cabsi laga qabo in iska hor-imaad ehli ahi ka dhasho.




Dad ku sugan Deegaankaas, ayaa Gobanimonews u sheegay inay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ismaandhaaf sii xoogaysanayay ka taagnaa halkaas, kaasoo xaalad nabad-gelyo daro dhaliyay




 “arrintu waxay ka dhalatay  Niman hubaysan oo ka soo jeedda beesha hore dilka u geysatay ayaa bur-buriyay Ceel-biyaha ay ka cabaan bulshadu iyo baraago, kaddibna tuulada soo galay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin ka mid ah bulshada deegaankaas oo Gobanimonews la hadlay.




Axmed Cabdilaahi oo ah ka mid ah  Waxgaradka dhinac ka mid ah labada beelood ee khilaaku u dhexeeyo ayaa sheegay inay Maleeshiyaadka Beesha kale Sun ku shubeen Baraago Biyeysan oo dadka iyo duunyaduba ka cabi jirtay, taasoo waxyeello nafeed ka dhalatay




 “ Baraagaha biyaha laga cabo qaar ayaa la sumeeyay, waxaana ku waxyeeloobay hal qof oo ah Oday waayeel ah, oo Cisbitaalka Hargeysa loo soo qaaday, waxa kale oo ku dhintay Xoollo ka cabay baraagaha la sumeeyay”ayuu yidhi.




Waxa kale oo uu sheegay inaanay ilaa hada Hay’addaha ammaanka ee gobolku wax talaabo ah oo xiisadan lagu dejinayo qaadin “ilaa hada wax talaabo ah may qaadin dawladdu si  looga hortago inay xiisad amni daro ka dhalato, waxaana jira dad kale oo iyagana nimankaa Maleeshiyaadka ahi dhibaato u geysteen,sida gabadh Kufsi waddareed lagula kacay iyo falal kale”.




Sidoo kale, xubno ka mid ah Odayaasha Tuuladan ayaa dawladda ugu baaqay inay soo faro geliso xurgufta deegaan ee taagan oo ay sheegeen inay nabad-gelyo daro abuurayso hadaan wax laga qaban.




“Dawladda waxaan u soo jeedin lahayn inay arrintan dhakhso u soo faro-geliso inta aan dhibaato dhicin” – “waliba dawladda waxaanu leenahay annagoo ah Odayaashii beesha hore dilka loogu geystay, wali waxaanu ku taaganahay dulqaad iyo inaanaan ka jawaabin qashqashaada nalugu hayo”ayuu yidhi Mid ka nid ah Cuqaasha Deegaanka Dacawaley.




Odayaasha Deegaanku waxa kale oo ay sheegeen inay dhinaca Ardaaga kale Tuulo cusub ka sameysteen meel wax yar u jirta halkii ay Tuuladu ahayd.




Deegaanka Dacawaley oo hilaadii 22km dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Hargeysa, ahna Dhul xoolo daaqeen ah, ayaa xiisada ka taagani waxay daba socotaa dil laba sanno ka hor deegaankaas loogu geystay Wiil Dhalinayaro ah oo sida ay sheegeen Odayaasha deegaanku sagaal Nin wada dishay.




Dilkaasi ay geysteen Niman Dhalinyaro ah oo Ciyaar gud ahaa, ayaa waxa la sheegay inay u xidhanyihiin kooxdii geysatay, kuwaasoo dhawaan Maxkamadda Gobolku ku xukuntay falkaasi, inkasta oo sida la sheegay   Maxkamaddu  Mag ku xukuntay gacan ku dhiigleyaasha.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com