Monday, June 30, 2014

Shirkadda Waddani-ga Sharaabka Ee SBI Oo Soo Bandhigtay Barnaamij Cusub Oo Danyarta Baahan Bishan Ramadaan Loogu Sadaqeyn Doono


 




Shirkadda Waddani-ga  Sharaabka Ee SBI  Oo Soo Bandhigtay Barnaamij  Cusub Yahay Oo Danyarta Baahan Bishan Ramadaan Loogu Sadaqeyn  Doono




Shirkadda (Gobanimonews)29-6-2014- Sharaabka Waddaniga ah ee SBI,ayaa soo bandhigtay Barnaamij cusub oo Kheyri ah oo ay ugu magac dartay Cab oo Sadaqeyso,kaasi oo looga faa’iideyn doono Bishan Ramaddaan dadka danyarta iyo kuwa baahan ee waxba haysan oo Macaamiisha Shirkadda qaab noo ciisu dalka ku cudub yahay ay Cabitaanka Sharaabka SBI ku sadeysan doonaan dadka danyarta.




Shirkadda Sharaabka ee SBI




Bandhiga Barnaamikan Shirkadda Waddaniga Sharaabyadda Cabitaanka ee SBI soo bandhigtay Shalay oo ah nooc sadaqo danyarta iyo Masaakiinta Baahan looga faa’iideyn doono, waxa ka soo qeybgalay Furitaanka Barnaamikaasi cusub,Madaxa Iibka Shirkadda Waddaniga ah ee Sharaabka SBI Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimadda Somaliland kana tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Jeex Sheekh   Maxamed Aadan oo ah Isku duwaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Gobolka Maroodi jeex.




Suuqeynta Shirkadda Sharaabka ee SBI  Liibaan Yuusuf Cismaan oo  ku hadlaayey Afka Shirkaddaasi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Bernaamijkani waxa uu ku saabsan yahay oo yahay mid Kheryi  ah oo ay Shirkadda Sharaabka ee SBI ugu talo gashay Bisha Barakeysan ee Ramadaanta,kaasi oo halku dhigeedu yahay Cab oo sadaqeyso taasi oo macnaheedu yahay qof kasta oo reer Somaliland ah Caagad ka mid ah Sharaabka SBI waxa uu sadaqeysanayaa oo uu ugu deeqayaa dadka Sabaaleysan iyo kuwa danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland guud ahaan ee ku nool goboladda Somaliland  ee ay ka mid yihiin  mid yihiin Xarumaha Agoomaha iyo dhimbirka ee Somaliland 50/Sland/Shilings (Konton Somaliland Shilings) ah waxana weeye qof kasta oo Caagad sharaab ah cabaa waxa uu ugu deeqay 50-Sl/and/Shillings ah,dadkaasi aynu soo xusnay ee inooga baahan Caawimadda”




Liibaan oo faahfaahin ka sii bixinaayey ujeedada Barnaamijkan waxa uu yidhi “Maadama oo ay Bisha Saddaqada tahay Bishan Barakeysan ee  Ramadaan waxanan ugu talo galay Shirkadayada sidii dhaqanka u aheyd Lacagta iyo faa,iidada ay ka hesho waddanka ay dib ugu celiso tanina bilaha ay ku jirto barnaamijiyadda ugu kheryka badan,marka intii aad markii hore Cabi jirtay ee aad ku istareexi jirtay waxaa ka mid ah in aan u niyooto Sadaqada qof walaalka ah oo aad sadaqeysatay,marka kolka ay Bisha ramadaan dhamaato ayaanu hadii ALLE idmo aanu ku qeybin doona lacagtaasi meelaha goobaha loogu talo galay in la gaadhsiiyo Caawimadaas oo ay shirkadda SBI,Macaamiisha iyo dadweynaha reer Somaliland-ba ka wada qeybqaadanayaan  ayaanu ku fulin doona waana taas ujeedada 1aad ee aanu ugu yeedhnay saxaafadda waana sababtaasi ta aanu u casuunay Madaxdii ugu sareysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee uu Wasiirku ka midka yahay”




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa sharaf noo ah in aanu ka soo qeybgalo furitaanka nooc sucub oo Sadaqad ah oo nooc dalkeena ku cusub ah,hase ahaate Caalamul Islaami lagaga dhaqmo  waayo waxa lays dhex gelinayaa ganacsigii iyo Sadaqadii waana waji cusub oo ay inoo bilawday Shirkadda SBI,anaguna aanu maadama oo aanu nahay Wasaaraddiini ah aanu ka soo qeybgalo maadaama oo ay tahay waxa ay Shirkaddu sameynayso mid dhiiri gelin ah,mawduucuna yahay mid bulshaddii lagu dhiiri gelinaayo oo ay dadkii aan baahneyni ay dadkii danyarta ahaa wax tarayaan,marka ka Wasaarad ahaan iyo ka Culimo ahaanba waanu soo dhaweynaynaa barnaamijkan Kheyriga ah ee faa’iidada Kheyrka ahi ku jiro ee ay dadkooda u sameynayso shirkadda Sharaabka waddaniga ah ee SBI”




Isku duwaha Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafta  ee Gobolka Maroodi Jeex Sheekh   Maxamed Aadan iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimadda Somaliland kana tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland,waxanay labada dooduba si weyn u soo dhaweeeyeen Shirkadda SBI oo soo bandhigtay Barnaamijka cusub ee ay ugu magac dareen Cab oo sadaqeyso waxanay labadooduba ka marag ka ceen oo xuseen inay tahay talaabo ku dayasho mudan oo Caalamka Islaamkana laga isticimaalo.




Wariye Khaalid Xamdi Axmed




Gobanimonews




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland