Tuesday, June 24, 2014

Maxaa ka soo baxay Shirkii Bahda Akriska iyo qoreyaasha ee Burco?



IMG_7265Munasibaddaasi oo ay ka soo qaybgaleen Hadalo Dardaaran iyo Dhiirigelin isugu jirayna ka soo jeediyeen Abwaan Maxmed Ibrahin Warsame Hadraawi, Qoraa Jamac Muse Jamac, Qoraa Cisman Saalax Faarax, Qoraa Saddaam Xusen Carab, Yaasin Farax Jees oo ka Mid ahaa Qurbajoga suxufiyinta ah ee Reer Sheffield, Xubnaha iyo Masuliyinta Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, Masuliyiinta Gobolka Iyo Degmada Burco, Xildhibanada Golaha Deganka Burco, Mamulaha Madarka Burco iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.IMG_7070 IMG_7102 IMG_7119




 




Guddomiyaha Naadiga Martigeliyey Shirweynahani ee Halkaraan Ibrahin Cabdi Xirsi ayaa faahfaahiyey ujeedada shirweynahani isago u mahadceliyey xubnihii soo ajiibay Dalabkii Naadiga ee ka soo qaybgalay shirweynaha.




 




Mustafe Osman Abdirahman oo ah Afhayeenka Naadiga Halkaraan ayaa isna Akhriyey Go’aamadii Shirka ka soo Baxay, isagoo si faahfaahsan u kalaqaaday uguna Gudbiyey Bulshada Nuxurka Go’aamadii Shirweynaha Naadidayada Akhriska oo lagu sameeyey Dallad ay ku midoobeen Naadiyada Akhrisk iyo Qoralku




 




Mayarxigenka Burco Mr. Xoday, Abwan Hadraawi, Yasin Farax Jees iyo Maxamud Maxmed Cabdilahi oo ku hadlayey afka qurbajoga gobolka togdheer xildhban abdirisaaq aar oo ka mid ah golaha deganka burco, Qorayaasha ay hormuudka u yahiin Jamac Muse Jamac, Cisman Salax , Sadam carab iyo Xubno ku hadlayey Afka Naadiyadii Ka qaybgalay Shirweynaha Sida sahra Maxmed Cali oo ku hadlay Afka Naadiga Halkaran, Caydaruus Sange oo ku hadlayey Afka Nadiga Anfac ee Ceerigabo iyo Ibrahin Mohmed Cumar oo ku hadlayey Afka Naadiga Bandhiga Cilmiga iyo Caqliga ee Borama ayaa dhammantood ku dheeraaday Muhiimada wax akhriska iyo Qoraalku u leeyihiin Bulshada, sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen in shicib iyo dawlad ba loo bahan yahay in laga wada shaqeyo horumarinta Akhriska iyo qoraalka xidhiidh dhowna lala yeeshay Naadiyada Akhriska iyo qoraalka ee Dalka.




 




Gebogabadii Waxa Buugaag tiro badan oo hadyado ah is weydaarsaday Naadiyada Akhriska iyo Qorayaasha Xalay Madasha Joogay, waxana shirweynahasi lagu soo gabagabeeyey Jawi farxadeed iyo gacaltooyo iyo weliba in loo midoobo horumarinta qalinka ama qoraalka.




 




 




Hadaba Go’aamadii ka soo Baxay Shirweynaha Naadiyadda Akhriska halkan ka akhriso:




 




Go’aamadii ka soo baxay shirwenihii naadiyada e heer qaran




Shirweynihii naadiyada ee heer qaran ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Burco taariikhdu markay ahayd 22/06/2014 ilaa 23/06/2014. Shirkan ayaa lagaga dooday qodobo dhaxal gal ah kuwaas oo ah himilada iyo yoolka naadiyada ee heer qaran.




Shirkan waxa gogoshiisa fidiyay naadiga akhriska iyo qoraalka ee halkaraan kaas oo fadhgiiisu yahay magalada Burco ee gobolka y Togdheer .




 




Ajendayaasha shirkan ayaa ahaa




1. Horumarinta akhriska iyo qoraalka.




2. Isku-xidhka naadiyada dalka ee heer qaran




3. Wadaagga waayo-aragtinimada ee naadiyada .




4. Xidhidhka iyo wada-shaqaynta carwada caalamiga ah ee hargeysa international book fair.




 




 




shirkan oo labo-casho socday ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.




 




Qodobada iyo baaqa naadiyadu ku midaysan yihiin




1. Samaynta dalad guud oo ay ku midaysan yihiin naadiyadu,dalaaddaas oo magaceedu noqon-doono (Daladda Naadiyadda Akhriska )Loona soo gaabin doono D.N.A




 




2. Waxa guddoomiye u noqon-doona daladdaas akaadiimiydaa bandhigga cilmiga iyo caqliga ee Borama,halka uu gudomiye ku xigeen loo doortay naadiga Ismaacil Mire ee gobolka Sool iyo xoghaynta oo loo doortay akaadimiyadda akhriska iyo qoraalka ee himilo.




 




3. Fadhiga lagu doortay Golaha Dalada D.N.A ayaa isla markaasba lagu xushay Golaha sare ee dalada.




 




FG: Dhammaan xubnahani waa ku meel gaadh la sugayo inay gaadhsiiyaan dalada xili lagu dhisayo dhammaan xubnaha dallada ee rasmiga ah.




 




4. Xeer hoosaadka , dastuurka iyo profil-ka dalaaddaas waxa soo diyaarinaya Hal-karaan.




 




5. Sharciyaynta iyo daladda waxa ka soo shaqayn doona akaadiimiyadda himilo.Iyo Naadiga Akhriska Halkaraan Naadiga Akhriska BerBera oo u furan nadiyada kale ee lashaqaynkara.




 




6. Xafladda daah-furka daladda naadiyad akhriska (DNA) waxa soo diyaarin-doono naadiga timacadde ee gebiley.




 




7. muddada arimahan lagu soo diyaarin doona waa ;laba bilood.




 




8. Carwada caalimga ah ee bandhigga buugaagtu waa inay siiso wakhti ku filan oo ay ku soo bandhigaan barnaamiyadooda iyo in naadiga kasta waxa uu ku ficaan yahay wakti loo siiyo si dhambaalkiisa bulshada uu ugu gudbiyo.




 




 




9. Dhaqaalaha;waxa ay naadiyadu ku baaqayaan in dhanka dhaqalaaha gacan laga siiyo naadiyada dalka si hawl maalmoodkooda ay ugu fuliyaan,waxayna si gaara uga codsanayaan qaban-qaabiyayaasha carwada buugaagta inay arinkan dhaqaalaha gacan ka gaystaan.




 




 




 




 




Horumarinta akhriska




 




Si loo horumariyo akhriska ,waxa ay naadiyadu ku baaqayaan.




 




1. Dawladaha hoose ,dawlada dhexe iyo wasaaradaha waxabarashada waxa uu shirweynaha naadiyadu ugu baaqayaa in gobolkasta laga sameeyo maktabado wax-akhrissidii ay hore u ballan qaadeen.




 




 




2. In dhammaan cidaha ay khuseysaa ay taageeraan hawlahan qaran ee kor u qaadida Akhriska.




 




3. In Wasaaradda Waxbarashadu ay gacan buuxa siiso naadiyada akhriska iyo qoraalka.




 




4. in la sameeyo maktabado bulshadu ay isugu timaaddo oo wax lagu akhriyo. Si dhalinyaradu uga badbaado qaadka iyo qabyaaladda,Jahliga iyo fikradaha khaldan sida tahriibka.




 




5. in la lagu wacyigeliyo bulshada akhriska iyo qoraalka si aynu ug baxno dhegmaalka,jiilasha soo socdaana ay ugu Aayaan.




 




6. in iskuulada loo sameeyo maktabado ay ku wax ku akhristaan ardaydana la siiyo xiisado ay wax ku akhristaan si ay ugu barbaaraan wax akhriska.




 




7. Inay naadiyadu iyo cidkasta oo u ololaysa akhriska iyo qoraalka ay daacad ka noqdaan arintan una dhabar-adaygaan.




 




 




 




Saxeexayaasha;




 
























































#




Magaca




Naadiga




Saxeexa




a1




Ibraahim maxamed cumar




Adkow-borama




 




2




Ibraahim cabdi xirsi




halkraan




 




3




Cayduruus maxamuud cismaan




anfac




 




4




Suhayb maxamed daahir




Tima-cadde




 




5




Nafiisa jaamac warsame




Akaadimga-himilo




 




6




Ashraf axmed cige




berbera




 




7




Hodo xasan cige




Ismaacil mire




 





 




 




 




Saxeexa guud ee xoghayaha shirwenaha 1aad ee naadiyada




Shaakir maxamed cali ………………………………………………………………………………..




Afhayeenka Naadiga Akhriska Halkaraan



Mustafe Osman Abdirahman (Teacher)



Burco / Somaliland