Saturday, June 28, 2014

Madaxda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Dawladda iyo Shacbiga Djibouti


Xasan Sheikh “Walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waana idinla wadaageynaa farxadda”




Xasan tabarMuqdisho, 27 Juun 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dhambaal  hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda xuska 37 guurada ka soo wareegtay markii dalkaasi xoriyada ka qaatay Faransiiska.




Madaxweynaha, ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed farxadda maalinta xoriyadda ay la qabsanayaan reer Djibouti, waxaaanu u rajeeyey horumar iyo guul.




Dalka Djibouti Ayaa ka mid ah waddamada Ciidamada nabad-ilaalinta ah u soo diray Soomaaliya, sanadihii ugu dambeeyay.




Xasan Sheikh ayaa tilmaamay in todobaadkani caan ku yahay xoriyada Somalida.




“ Isbuucaan waxaa la yiraahdaa isbuucii xorriyadda iyo sharafta Soomaalida meel walba ay ku nool yihiin, waxaan u hambalyeyneynaa walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waan idinla wadaageynaa farxadda, waxaanu leenahay guuleysta karaamo iyo sharfna ku noolaada, umadda Soomaaliyeedna abaal ayaad ku leedihiin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.




Reysal-wasaaraha soomaaliya cabdiwali Maxamed Sheikh Maxamed Axmed ayaa isaguna dhambaal hambalyo u diray Dawladda iyo dadka reer Djibouti.




Djibouti ayaa ah Gobolkii saddexaad ee  ka mid ah Shantii qaybood ee ay gumeystayaashu u qaybiyeen Dadka Soomaaliga ku hadla ee xoriyad hela.




Deegaamada Kilalka Shanaad iyo NFD, ayaa gacanta u galay dalal kale oo aan Somali ahayn, iyagoo aan xoriyad helin




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com