Wednesday, June 25, 2014

Burco: Lamaane is-jecel oo codsaday Dhaqaale ay isku guursadaan


Qiso dhab ah…




saveMaxamed Maxamuud Nuur, waa Wiil Dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.




Waxa dalbanayaa caawimo dhab ah oo dhaqaale uu doonayo inuu kula aqal gallo gabadh ay muddo dheer isjeclaayeen.




Qoraal uu soo gaadhsiiyay gobanimonews ayaa waxa uu kaga waramayaa waayo adag iyo wacyiga jacayl ee uu ku suganyahay.




Maxamed ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxaan Ka mid ahaa dhalin yaradii Xusbiga kulmiye ku biirtay markii la asaasay, ee ka qayb qaadanayay olalahii xisbiga lagu wacyi galinayay kamid noqoshada xisbiga.




ololahii u danbeeyay ee xisbiga kulmiye kula tar tamayay asxaabta kale kursiga madaxtooyada ayaa aniga iyo koox kale oo dhalinyaro iyo dumarba isugu jiray waxaanu u baxnay deegaano kamida dhulkii sida wayn looga taageeray gaar ahaan gobolka togdheer si'aanu ugasoo fulino ololahii la xidhiidhay wacyi galinta bulshada hasa yesshee kooxdan aanu wada soconay ayaa waxay isugu jirtay dhalinyaro dhawaan xisbiga ku soo biirtay iyo kuwo hore ugu sii jirayba.




 nasiib wanaag waxaanu kusoo guulaysanay hawshii aanu u baxnay oo ahayd wacyi galinta.




intii aanu kujiray hawshiii wacyi galinta oo ahayd mudooyin kala duwan ayaa aniga iyo inan kamida hablahii aanu wacyi gelita ku wada jiray waxaa qudhayadii naga dhex bilaabmatay olole jacayl oo midkaayaba si gaar ah u saaqay.




 hase yeeshee waxaanu dhex dabaalano badwaynta jacaylka ba waxaanu ku balanay in marka uu guulaysto xisbiga kulmiye axmed siillaanyo na ku fadhiisto kursiga hogaaminta dalka aanu yagleeli doono aqal gal  iyo aroos inta ka horeysana uu noo dabranaado .




 




waxa doorashadii ku guulaystay xisbigii kulmiye axmed siilaanyona waxa uu noqday madaxwayne waxaa rumowday himiladayadii kowaad waxanu bilawnay sidaanu ugu diyaar garoobi lahayn sidii aanu u dhamaystiri lahayn balantii aanu galnay oo ah diyaarinta aroos kayagii iyo guri aanu kuwada noolaano.




 nasiib daro se waxaa geeri yooday aabahay taasina wxay dib u riixday qorshahii arooskayaga dhibta.




Adduunyo way badan tahaye waxaad doonay saana kuuma wada dhamaadaan waxaan nagu adkaaday waayahii aduunyo .




waxaannu waynay dhaqaale aanu ku aqal galno. Waxa nagu sii kordhay jacaylkii na dhexyaaley ee ka bilaabmay ololahii xisbiga kulmiye ilaa hada.




 waxaanu u dabranahay dhaqaalahii sidaas awgeed madax waynaha qaranka axmed maxamed siilaanyo, marwadiisaba, dhamaan madaxda iyo hogaanka kulmiye  ka codsanaynaa inay gacan ka gaystaan aqal gelinta jacaylka yagan iyo aroosida lamaanahan jacayl koodu ka bilaabmay ololahii kulmiye.




 sidoo kale waxaanu ganacsatada iyo shirkadaha waawayn ka codsanaya inay gacan dhaqaale oo aanu ku aqal galno nagu caawiyaaan.




Maxamed Maxamuud Nuur




Account Number:11705




Tel: 0634324850




E-mail: maxamedyare850@hotmail.com