Wednesday, June 25, 2014

Bilayska Burco oo Dadweynaha ka Madnuucay qaadashada Hubka Fudud


Dadka Toorida isticmaala waxa la marinayaa Sharciga Qoriga lagula dagaalamo..."Taliyaha Qaybta Bilayska Togdheer




DSCF2156Burco(GNA)-Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse C/laahi ayaa ka warbixiyay xaalada Nabadgelyo ee Gobolka, bulshadana ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga.




Taliye Cabdi Muuse ayaa  digniin u diray dadka qaata hubka fudud ee Tooriyadda iyo waxyaabaha kale la hal maala, kuwaasoo uu sheegay inay qorshe cad ka soo saari doonaan.




Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay Maanta ayaa  yidhi''Guud ahaan xaalada Guud ee nabadgelyada Gobolku waa caadi wax dhibaato ah oo hada ka jiraa ma jirto,dil aroosa oo duleedka magaalada ah baa ugu danbeeyay kiina wuu dhamaaday oo waa la keenay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa,dilalka gobolkan ka dhacaa badankooda waxa keena isku dhac shakhsi oo is af dhaaf ah iyo dhul laysku qabsado oo maaha dilal qorshaysan oo cidi cid ku duusho kuwaasi ma jiraan,dadwayanuhuna aad buu noogala shaqeeyaa nabadgelyada.




hadana waxaan ugu baaqayaa inay sidii hore ee wacanayd  iyo si ka badan noogala shaqeeyaan oo wixii ay qoonsadaan nala soo socodsiiyaan”ayuu yidhi.




Taliyaha oo ka hadlayey dadka isticmaala tooriyaha iyo soodhadhka,digniina u diraya ayaa yidhi 'berigii hore tooriyaha dalka ayaa lagu samaynjiray hadase dibadaa laga keena iyagoo soodhadh ah,waxaanan u  sheegayaa in dadka tooriyaha sitaa ay iska dhigaan oo aan suuqa lala marin oo lagu qaadan,waxaan leeyahay waanu qabqabanaynaa waan uruurinayanaa sharcigaanuna ku taagaynaa cidii lagu qabto,sidaanu qoriga ula dagaalamayno ayaanu ula dagaalamaynaa  soodhadka”.
taliyuhu isagoo ka hadlayaa waxyaabaa u qabsoomay intii uu joogay dhinaca amniga waxa uu yidhi ''intii aan Gobolka joogay wax dhibaato ah naguma ay iman illaahay mahadii sidii ugu wacnayd ayay u socdaan hawluhu,Gobolkuna aad buu u balaadhanyahay dawladuna gaadiid wanaagsan bay keentay,anaguna waxaanu ku talo jiraa in gaadiidkii fadhiyay aanu sadex ka mid ah wiigan kicino kuwaas oo wax wayn ka tari doona nabada”.




Bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer ayaa caan ku ah isticmaalka Hubka Fudud ee Tooriyada iyo Soodhku ka mid yahay.Tooray




 



Axmed Muuse Axmed




Gobanimonews




Burco Office