Sunday, June 15, 2014

Colaaddii Balad-xaawo oo Heshiis qabyo ah laga gaarey


DleeowDoolow(GNA)-Heshiis ayaa laga gaaray xiisad colaadeed oo in muddo ah ka taagnayd degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo ee Gobolka Jubbada hoose, kaddib Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha dawladda dhexe iyo Maamulka Jubaland.




Shirkan ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Degmada Doolow, waxaana laga soo saaray afar qodob oo ay ka mid tahay in xabad joojin shuruud la’aan ah la dhex dhigo dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi oo kala taabacsanaan maamulada labada degmo.




Dagaaladii deegaamadaas ku dhex maray labada ciidan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad, baro-kac iyo waliba waxyeelo.




Shirka lagu soo afjaray xiisadan oo ay ka soo qayb-galeen Saraakiil Dawladda itoobiya ka socda, ayaa waxa dhinacyadii ka hadlay soo dhaweeyeen qodobada ka soo baxay.




Go’aamada Shirka ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan:




1)Xabad joojin waarta oo aan shuruud ku xirnayn




2-(a)In ciidamadii ku dagaalamay magaalada laga saaro dhufaysyadii ay ku jireen iyadoo la isugu gayn doono meel magaalada ka baxsan halkaas oo loogu sameyn doono dib u heshiisiin ciidanka dhexdiisa xoolana loogu qali doono.




Ciidankaan waxaa si toos ah ula wareegayso wasaarada Gaashaan dhiga ee Dowlada Federaalka waxaa dib loogu howl galin doonaa inay la dagaalamaan kooxaha nabad diidka ah isla markaasna ay ka qeyb qaadan doonaan xoraynta gobolka intiisa kale




(b)Odayaasha dhaqanku waa inay qeyb libaax ka qaataan dib uheshiisiinta ciidanka iyo dib u uruurintiisaba




3-In wixii la kala haysto la isku celiyo kadib markii la cadeeyo iyadoo loo dhiibi doono dowlada dhexe oo uu wakiil ka yahay wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga.




Dhimashadii uu sababay dagaalkii ka dhacay Baladxaawo 13/05/2014 oo la hayd shacab iyo ciidanba waxa ka wada hadlaya odayaasha dhaqanka, Dowlada Federaalka iyo Dowlada goboleedka Juba




4-Amniga degmada Baladxaawo inta la habeenayo ciidankii amnigii ee degmada waxaa amniga Baladxaawo gacanta ku sii hayn doona Jeneraal cabaas iyo ciidan uu hogaamiyo.




Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa intii ay socdeen dagaaladu, ku baaqay in si dhakhso ah loo soo afjaro xiisada ka aloosan halkaasi,




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com