Saturday, June 28, 2014

Hogaan-dhaqameed ka Digay Khilaafaadka siyaasiga ah Bisha Ramadaan.Daawo


???????????????????????????????Hargeysa(GNA)-Dhamaan Caalamka Islaamka waxa Caawa looga diyaar garoobayaa Soomka Bisha Barakaysan ee Ramadaanta, inkasta oo Waddamada Islaamka qaarkood maanta laga soomanyaha.




Bisha Ramadaan waa Bishii Qur’aanku soo degay ee Nabi Maxamed NNKH lagu soo dejiyay, waa Bil Cibaado dhamaan Umadda islaamka, iyadoo soddon Maalmood laga soomo sanad kasta, bishan oo kale Taariikhda hiriyada.




Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa Gobanimonews uga waramay Faa’idada Kheyrka ku jira Bishan iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’idaysto.




Madaxdhaqameedkan ayaa ku baaqay in si wanaagsan looga faa’idaysto Bishan, dhamaan Muslimiinta Caalamkuna ay Cibaado iyo alle ka cabsi u jeestaan, iyagoo dhulka dhigaya dhamaan arrimaha fasahaadka keenaya ee ay faraha kula jiraan.




Dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa reer Somaliland ayuu u soo jeediyey inay joojiyaan Balwadaha qaadka iyo Khilaafaadka Siyaasiga ah.




“waan in la joojiyaa Ciyaaraha Dhalinyarada lagu maaweeliyo Bishan ee Garoomada lagu qabto, si aanay u iman inay soomi kari waayaan”ayuu ku sheegay Waraysiga oo bixiyay.




Halkan ka Daawo:








Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com