Thursday, June 26, 2014

Sirdoonka Ingiriiska oo Wasiir ku-xigeenkii hore amniga Somaliland Xabsiga ku wareystay


Wefti ka socda Sirdoonka UK oo xaqiiqo raadin ku yimi Hargeysa iyo Xukuumadda oo ku qaabishay Hadal dareen culus abuuray 




intelHargeysa(GNA)-Saraakiil  Laanta Sirdoonka Ingiriiska ee M16 ka socda iyo diblomaasiyiin, ayaa la sheegay inay xabsiga Mandheera ku booqdeen Wasiir kuxigeenkii hore ee amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo 30 May  xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu eeddeymo u jeediyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee  xukuumadda Siilaanyo oo uu ku eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxdiimeedyada Geeska Afrika ka dhisan oo ay Alshabaab ku jirto.




Weftigan ka socda dawladda Ingiriiska, oo sida la sheegay socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay xog dheeraad ah uga heli lahaayeen waxa ka jira Eeddeymaha Wasiir ku-xigeenka hore  u jeediyay Golaha Wasiirrada, ayaa dalka soo gaadhay todobaadkan, waxaana la sheegay inay toos xabsiga ugu booqdeen cabdilaahi Abokor.




Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay imaanshiyaha Ragan iyo ujeeddada ay u socdaan toona, hase ahaatee ilo-wareedyo hoose oo warkan laga soo xigtay waxay intaas ku darayaan in Kooxda Khubarada baadhista ah ee UK, ay si weyn u danaynayaan xogo ku saabsan Kiiska Cabdilaahi Abokor u xidhanyahay.




Eedeyn culus




Cabdilaahi abokor cismaan oo xukuumadda Siilaanyo muddo ka badan laba sannadood wasaaradda amniga madax ka ahaa ayaa dabayaaqadii Bishii May Khilaaf xisbiga talada haya ee Kulmiye ka dhex qarxay u sibir-saaray inay ka dambeeyaan wasiirro uu ku sheegay inay ka tirsanyihiin Ururrada Xag-jirka ah oo awoodda dalka la wareegaya.




“Wasiirro ka tirsan Urur diimeedyada caalamiga ah ee Ikhwaan Al Muslimiin , islaax , Jihad iyo Al-Shabaab, ayaa ka dambeeya khilaafka xisbiga Kulmiye”ayuu yidhi. Waxaanay eedeyntiisu ahayd tii ugu xaasaasinayd ee Somaliland ka dhacda sanadkan inta la xasuusanyahay.




Tan iyo markii si fool xun habeen madow Xabsiga loogu taxaabay Siyaasigan iyo saddex Nin oo Gurigiisa lagala soo qabtay, wax maxkamad ah lama horkeenin si kiiskiisa loo dhegeyso, waxaana markii hore la filayay inuu ka mid yahay dadka u xidh-xidhan Khilaafkii Kulmiye ee heshiiska lagu gaadhay in la sii daayo.




Wali isaga iyo dhowr xubnood oo ka mid ah dadkii  xiisada xisbiga loo xidh-xidhay ayaa wali xabsiga baaqi ku ah, kuwaasoo sharciga la horkeenin.




Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo wax laga waydiiyey eeddeymaha Ninkani jeediyay ayaa sheegay inaanay xukuumadda ku jirin wasiirro xidhiidh la leh kooxaha Xagjirka ah.




“Ninkii sheegay isagaa caddeyn doona, laakiinse xukuumadda kuma jiraan dad Al-shabaab ka tirsan”.




Xirsi ayaa intaasi ku daray “annagu Alshabaab waanu la dagaalanaa, waxaanay noogu jiraan xabsiyadda”ayuu ku sheegay Waraysi labaad oo uu bixiyay.




Somaliland oo Hay’addaha Ajaanibka ah eeddeysay.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Golaha Odayaasha Baarlamanka warbixin siinayay saddex maalin ka hor oo ku beegan Maalmihii weftiga UK ay Hargeysa yimaadeen, ayaa si kulul u eeddeeyay qaar ka mid ah Hay’addaha Ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gala oo uu sheegay inay hawlo basaasnimo ah waddanka ka wadaan, iyagoo ku soo gabanaya inay mashaariic horumarineed fulinayaan.




Wasiirka arrimaha gudaha oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Hay’adaha nabadgalyada ka shaqeeya iyo Gaalada tuulooyinkeenna dhex wareegaya ee odayaasheenna dhex marayaa, waa arrin fool xumo weyn innagu ah, waa arrin aan ku haboonayn qarankeenan, waa niman diidan inay Maamulka u maraan shacabka iyo dalka aynu xukunno, waa niman inoo qaybiya qabaa’il oo jecel inay qabiil qabiil iyo tuulo tuulo inoola kulmaan, oo aan jeclayn inay qarannimo inoola kulmaan”




Wasiir Waran-cadde, waxa kale oo uu sheegay “Warqad-baan u diray cid kasta oo nabadgalyada Somaliland lacag ku soo qaadatay ama cid u soo dirtay, wasaarado nabadgalyo oo faro badan dalkan kama jiri karaan, waa inay qorshahooda la yimaadaan wasaaradda daakhiliga, cidda aan la imanna dalka way ka baxaysaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Basaasidbaa ku jirta (Shaqada hay’adaha dalka jooga qaarkood) kala fogeyn-baa ku jirta, dhaqankeena iyo nabadgalyadeenna, inan yar oo 25 jir ama 30 jir Gaal ah oo Yurub ka yimid-baa (khalkhalinaya), 30 jirkaa ugu weyn dhalinyarada ajaanibka ah ee tuulooyinkeenna wareegaya”




Wasiir Waran-cadde, waxa kale oo uu sheegay “taasi, tallaabo ayaanu ka qaadnay, nin aanaan hubin waxa uu samaynayo ama aan wasaaradda soo marin (Ma Shaqeynayaan) caqlina ma hayaan ee waa inyar oo lacag ah oo sida ay ku bixiyaan aanaan garanaynin, laakiin waa inay noqotaa habka nabadgalyo iyo dawladnimo ee aynu wadno (Lacagtoodu) laakiin aanay noqonin mid dhib badan inoo keenta ama siyaabo kale la inooga faa’ideysto..”ayuu yidhi.




Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo beegmay Imaanshiyaha saraakiisha ka socda laanta Sirdoonka UK, waxaana muuqata in ujeedka Socdaalka Weftiga UK iyo eeddeynta Wasiir Waran-cadde xidhiidh ka dhexeeyo.




Si kastaba ha ahaatee xogta uu bixiyay Siyaasigan xidhani, ayaa sawir xaasaasiya ku soo kordhisay Gobolka, iyadoo tahkiidin u noqotay dareeno hore oo jiray xan suuqdi ah oo ashkhaas xukuumadda ku jira lagu xidhidhiidhin jiray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com