Friday, June 27, 2014

Guddoomiye Cirro: waa in 26 June Ahmiyad weyn la siiyo”


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa Hambalyo u diray Shucuubta Somaliland xuska 54 sanno guurada ka soo wareegtay markii Gobollada waqooyi Xoriyada ka qaateen Mustacmaradii Ingiriiska.




War ka soo baxay Xafiiskiisa xisbiga Waddani ayaa lagu yidhi sidan “Gudoomiyah Xisbiga mucaaridka WADDANI waxa uu hambalyo iyo bugaadin u dirayaa shacbiga Somaliland 54 guurada  madamadax banaanida qaranimada Somaliland ka qadatay boqortooyada ingiriiska waxaanu u rajayaa dawladnimo taama iyo ictiraaf”ayuu yidhi.




Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in ahmiyad weyn la siiyo xornimadii Somaliland ee 1960-kii.




“Waxaan shacabka ugu baaqayaa in 26 june la siiyo mudnaanta ay leedahay waa maalin qaran waana waajib in aan lagu koobin fasax iyo xaflad madaxtooyada ka dhacda




Waxaan dhamaan shacbka u rajaynayaa guul iyo sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo”ayuu yidhi.




26 June ayaan maanta xus gaar ah looga samayn Somaliland, wallow xafiisyada dawladda shaqada fasax laga ahaa.




Hase ahaatee xaflad balaadhan oo lagu xusayo Maalintan ayaa caawa ka socota Aqalka Madaxtooyada Somaliland, waxaana xafladaas ka soo qayb galay Madaxweynaha , Hogaamiyeyaasha Asxaabta Siyaasadda iyo Madaxda kale ee Goleyaasha Qaranka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com