Friday, June 27, 2014

Bilayska Kenya oo xidhay Guddoomiyihii Degmada dadka badan lagu laayay ee Lamu


lamuLamu(GNA)-Ciidamada Ammaanka kenya ayaa xabsiga uu taxaabey gudoomiyahii degmada lamu dalka kenya kadib markii sirdoonka dalku ka wareystay weeraro ka dhacey tuuloyin hoos yimada degmada.




Weerrada  lamu ka dhacay oo 68 qof lagu diley, ayaa laba todobaadkii hore dhacay.




Gudoomiyaha la xidhay oo magaciisa la yidhaahdo tumamy ciidamada amaankuu dhadhiciyeey xabsi ku yaal magalada mombasa ee casimada labad dalka Kenya.




Dowlada kenya ayaa hore xilalka uga qaday sarakiisha amaanka ee degmada lamu , inkasta oo aan wali Guddoomiyaha xil ka qaadis lagu samayn.




War ah kamay soo saarin Saraakiisha ammaanka dalka Kenya xadhiga Masuulkan.




Weerarada dadka badan lagu laayay ayaa dhacay laba malmood oo isku dhow.




Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masuulkan raadad la xidhiidha weerarradaas lagu helay.




Cabdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




 Nairobi Offcice




Email:  buurdhaab4@gmail.com