Sunday, June 29, 2014

Dawlada Siilanyo Maanta Waxa Ay Iibinaysaa Maddaxa Muwaadiniinta..... waxa qoray:WACAYS AXMED MAXAMUUD


waxa aan daawadey eheladii wiilkii reer gabiiley oo ka sheekeynaya dhacdadii foosha xumeyd ee inankoodalagu shirqooley isla markaa loogu gudbiyey dawlada jabuuti.hogaamiyihii liibaya colonel mucamer al qadhafi maxaa reer galbeedkucuna qabateynta u saareen ?  waxa laga daba socdey laba nin oo loo tuhunsanaa iney qarxiyeen diyaaradii Lockerbei oo ingiriiska ah ku dhacdey taas oo ay saaraayeen dad aad u farabadan oo carruur badidoodu yihiin. waa taas arinka ingiriis iyo mareykanba uu ka diidey in uu u soo gudbiyo labadaa muwaadin ee liibiya u dhashey. arinkaa oo qaatey in lix iyo tobban sanadood laga baryo soo gudbinta raggaa oo dagaal dhinac kasta ah lagu qaadey , lix iyo tobbankaa sanadoodna cunaqabateyn loogu hayey. ilaa ugu dambeyntii nelson mandela uu hawshaa dhexdhexaadiyey labadii nin ee lagu hasteyna u gudbiyey maxkamadii caalamiga ahyd. liibiyana laga qaadey cunaqabateyntii.siyaasadu hadii aaney dadkaaga u horseedeyn nolol iyo horumar, waxaad noqon mid jeclaada in dadkiisa oo dhan la baabiiyo isaguna si bilaa damiir ah u noolaada, taariikh xumana la tagga. dhibta hal qof oo bulshadaada ka mid ah ku dhacda waxay ka dhigan tahay, mid bulshadii oo dhan asiibtey. maanta hadii wiilashaa la gudbiyey beritana inaga ayaa ku xigna



waa wax laga xumaado in maanta dawlada Madaxweyne Siilaanyo muwaadiniiteedii ay madaxooga iibiso. waxay ahayd arin qoomamo xambaarsan markii kol qudha lagu war helay in dawlada somaliland saddex qof oo dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan ay gacanta ka gelisey dawlada jabuuti si ay uga qanciso laba qof oo magaalada jabuuti ka fuliyey qarrax is miidaamin ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan kow iyo tobban qof oo u badan ajaanib.waa sida uu sheegey talliyaha ciidamada jabuutiye.wey iska cadahay in dadkii falkaa fuliyey ay isla goobtaaa ku geeriyoodeen, waxa dadkan dambe loo qabteyna ay noqoneyso waad taqaaney iyo waxbaad ka ogeyd. waxase is weydiin mudan waa maxay nacasnimada intaa leeg iyo siyaasada kuu fasaxaysa in qof nool adduunyadu isku gudbiso ( human smuggaling ) dembiga uu doono ha gallee. mida kale hadiiba ay dhacdo in qof la gudbiyo sife caynkee ah ayaa la marayaa? halkeese loo dhiibi karaa ? ma jabuuti oo 21000 km square dadkeeduna yahay 500.000 ayaa xukuumada somaliland u haysataa iney tahay maxkamadii dembiyada ee HUGEU. shacbiga reersomaliland kama qarsoona in kala badh wasiirada siilaanyo yihiin basaasiin laba kaadhlayaal ah ( double agent ) khaayimiin qarranimadooda ku doorsadey mushaharka yar ee labada kun ah ee bil kasta dahab shiil loo soo dhigo. kuwaas oo lagu dardaaro saacad kasta Cabdiraxman Boore oo wadankan u dhashey in ay ka ilaaliyaan in uu wadankan somaliland maal gashi ganacsi ka sameysto.mida kale wadanka ma ingiriis ayaa inala leh mise mareykan. wadankeenu miyaanulahayn maxkamado dacwadaha lagu qaado ? miyaanulahayn xabsiyo dambiilayaasha lagu xidho.ma jabuuti ayaa laga maamulaa hargeysa. waa jecelnahay jamhuuriyada jabuuti ineynabad ku noolaadana waa jecelahay laakiin raali kama nihin in dawladayada dusha ka sii maamulaan.dawlada siilaanyana hadii ceebta loo dhinta bishii ugu horeysey ayey lixidka qaniini lahayd. halkaas ayey mareysaa iney lacag yar oo faro guudkood ah loo taaggo oo madaxa muwaadiniinta ay iibiyaan. maaha ciyaar ciyaar . waa godob weyn  oo laga galey qoysaskii wiilaasha iyo dhamaan ummada reer somaliland.




 



allaa mahad leh



 



 



WACAYS  AXMED MAXAMUUD



BARRE ADDUUNYO



Frankfurt Germany



bareadunyo@gmail.com