Thursday, June 26, 2014

Calaawi C. Gaboobe: Qoyska Madaxweynaha ayaa soo laqimay Xukunka Haatuf”Daawo Video


Goob-jooge ayaan ahaa markii xukunka lagu dhawaaqay, waxaanu ahaa xukun…Daawo Waraysi Muuqaal ah




vlcsnap-2014-06-26-10h54m56s137Hargeysa(GNA)-Calaawi Cabdi Gaboobe waxa uu ka mid yahay Eheladda Guddoomiyaha Wargeyska la xidhay ee Haatuf, waxaannu ka mid ahaa saddex qof oo saaka ka qayb galay fadhigii lagaga dhawaaqay xukunka Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ka soo saartay dacwada Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times.




Waxa uu sheegay in Xukunkaasi ahaa mid qorsheysan oo Madaxtooyada laga soo laqimay, Garsooraha ku dhawaaqayna aanu dhex ahayn.




Calaawi oo waraysi siiyay Gobanimonews markii xukunku dhacay kaddib, ayaa sheegay in Saxaafadda iyo dadweynaha kale laga qarinayay go’aanka dacwada, isagoo ashkhaas gaar ah ku eeddeeyay inay ka dambeeyaan xukunka cadaalad darada ah ee ku dhacay Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cigge.




“Garsooruhu wuxuu yidhi waxa la baabiiyay Ruqsadii Wargeyska Haatuf, markaa way iska cadahaya inaanu dhex ahayn”ayuu yidhi Calaawi.




Mar kale ayuu sheegay “marka horeba waanu sii ogayn inaanay dhex ahayn dacwaddu ee ay dhinac ka rarantahay”ayuu intaasi ku daray.




Waxa kale oo uu ka waramay sababta loo xidhay masuuliyiinta, cidda loo xukumay hada iyo waxay yeelayaan hada.




Halkan ka Daawo:




Cambaareyno kale




Cambaareyno kala duwan oo ka soo yeedhaya Bulshada Somaliland, siiba qaybaha siyaasadda ayaa isa soo taraya.




Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda UCID iyo Waddani, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Masuuliyiinta Haatuf iyo Wargeysyada ay ka shaqeyn jireen.




Ururrada Saxaafadda ayaa sidoo kale xukun aan la aqbali Karin ku tilmaamay qaraarka albaabada loogu xidhayo Wargeysyada iyo xukunka lagu riday labada Masuul ee xadhiga iyo ganaaxa isugu jira.




Suxufiyiinta ayaa laftoodu wadar iyo waaxidba xukunkan uga walaacsan.




Dadka xuquuqda aadamaha daneeya ayaa ka fekeraya siday xad-gudubkan oo ah mid noociisu ugub yahay uga fal celin lahaayeen.




Maxkamadda iyo garsooreyaasha Xukunkan gaadhay ilaa hada iskamay difaacin eeddeymaha looga soo jeediyay gartan.




Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Baashe Cawil oo qoyska Madaxweynaha xidid la ah ayaa Kiiskan Muduci ka ahaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com