Sunday, June 29, 2014

Urur Dhalinyaro oo Cambaareeyay Xukunka Gaboobe iyo Cigge


“Ururka Dhalinyarada Ee Curad Youth Organization Wuxuu Canbaaraynayaa Xukunka  Cadaalada Darada Ah ee Tafatiraha Wargayska Haatuf iyo Gudoomiyihiisa” warsaxaafaddeed.




Hargeysa(GNA)-Urur Dhalinyaro oo magaciisa la yidhaahdo Curad Youth, ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska dawladdu xidhay ee Haatuf.




War qoraal ah oo ay Ururkani soo saareen caawa ayaa lagu baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo labada wariye iyo Wargeyska, si loo dhowro xuquuqda Suxufiyiintan iyo xoriyada Saxaafadda.




Ururku waxay sheegeen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday dariiq ka fool xun kii ay xukuumaddihii hore ku dhaliili jireen xisbiga Kulmiye.




Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi “Annigoo ah Dhalinyarada Ku Midowday Ururka Dhalinyarada ee Curad Youth Organization ee Beesha Axmed Sheekh Isxaaq (Toljecle) waxaanu canbaarayn xoogan halkan uga jeedinaynaa madaxwaynaha somaliland iyo bahda cadaalada ee xukunka cadaalada baal marsan ku riday  Tafaftiraha  iyo Gudoomiyaha Haatuf .




Maanta madaxwaynaha somaliland waxa uu qaaday talaabadii uu ku canbarayn jiray dowladii daahir riyaale ee ahayd in saxaafadu xor noqoto taasi oo maanta umada somaliland arkayso halka ay saaxafadu kaga jirto xukuumada maanta madaxwayne siiraanyo gadhwadeenka ka yahay .




Hadaba ka Dhalinyaro ahaan waxaanu leenahay xukunkaasi xaaraanta ah ee ku dhacay  Yuusuf Cabdi Gaboobe iyobTafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige Waa mid baalmarsan sharciga somaliland ee saxaafada .




Waxaanu Ugu baaqaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo oo xoriyadoodii loo soo celiyo Tafatiraha  iyo Gudoomiyaha Wargeyska Madaxbanaan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe .




Madaxwayne sidii dhalinyarada iyo bahda saaxafada somaliland ee aad ku soo baxday ay kuugu listay ugmaad hambayn tariikhduna way ku qori doontaa , ee Madaxwayne Go,aan deg deg ah qaado oo bahdaasi saxaafada ee xukunka aan cadaalada ahayn ku dhacay  soo daa .




Beesha caalamka iyo danayaasha saaxaafada madax banaan waxaanu leenayahay ha ka  qaliyaan go’aankaasi hoosna ha u eegaan xukunkaasi meesha  madow lagu xukumay .




Alla Mahad Leh