Monday, June 30, 2014

Wax ka baro Bisha Ramadaan


W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI




1.      SIDEYNU U QAABILNAA RAMADAAN?




Soonka bisha ramadaan waa faral ka mid ah faralladda rabbi innagu waa jibiyey, Eebe isagoo ka hadlayey soonka ayuu quraankiisa ku yidhi ‘’kuwii iimaanka laga helayaw waxaan idinku waa jib yeelay soon sidaan kuwii idiinka horeeyey ugu faralk yeelay’’ waana rukni ka mid ah arkaanta islaamka, nabiguna (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa islaamku wuxuu ku taaganyahay shan arkaan, ‘’shahaadateynka, salaadda, soonka , sakada, iyo xajka, ‘’




Ramadaan waa ayaamo socda, qofka muslimka ahna laga rabo inuu ka qaniimeysto, ogwna waa fursada aad cimriga ku leedahay, waa ayaamo tirsan, hadaba maxaad ka ogtahay ramadaan?




Ø  Waa bil toban keeda hore tahay raxmada.




Ø  Waa bil toban keeda dhexe tahay danbi dhaaf.




Ø  Waa bil toban keed danbe yihiin Eebe oo laga magan galo naar.




Sideynu ugu diyaar garawnaa ramdaan, sideynu uga mid noqonaa kuwa ka macaasha, sideynu uga faa’ideysanaa, rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) ayaa xadiis ku lahaa ‘’ san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, qof ramadaan u soo gashay oo aan loo danbi dhaafin’’ riwaayada kalan waxay lahayd ‘’ rabbi naarta haku fogeeyo qof ramadaan u soo gashay oo loo danbi dhaafin’’ haddaba maxaad u malayn key ku dhaafto malaayacni, gidaar joog, iyo khamaar oo uu ciyaaro.




Hadaba walaalahayga muslimka ahaw waxaan idin tilmaami dhawr tilmaamood oo aynu kaga qadhiimeysan karno ramadaan, kuwa loogu danbi dhaafo Eebe ha inaga yeelee.




ü  TAWBADDA.




Si aynu uga fa’ideysano ramadaan shayga ugu horeeya ee la’inaga rabaa waa Eebe oo aynu u tawbad keenno, kana murugoonno wixii danbi ahaa ee aynu soo sameynay.




ü  RABBIGA UGU MAHANAQ SOO GAADHI TAANKA BISHA RAMADAAN.




ALLAH ugu shukri naq la kulanka uu kula kulan siiyey bishan barakeysan ee ramadaan, kuna soo gaadhsiiyey bishan, kuna cibro qaado qaar kula mid ahaa oo jeclaa inay kula soomaan hadana maanta ka hooseeya ciida aad dul carareyso, aynu rabigeen u mahad celino nimcadan uu ina soo gaadhsiiyey darted.




ü  BARASHADA AXKAAMTA SOONKA




Bilawga bishan ramdaan waxaad barataa waxyaabaha lagama maar-maanka ah, ee axkaamta iyo eedaabta soonku leeyahay ah, iyo cibaadooyinka ugaarka ah bishan ramadaan, sida salaada taraawiixda, ictikaafka, sakada, oggwna barashadu waa qeyb weyn oo ka mid shayga aad rabto inaad gudato, aynu barano  oo aynu cilmi u yeelano waxay ay wax inoogu hagaagayaan.




 




 




ü  QURAAN AKHRIS OO LOO BADIYO




Bishan ramadaan sharafta iyo qiimaha ay leedahay waxa ka mid ah waa bishii Eebe kor ahaaye soo dajiyey quraanka kariimka ah, sidaas ay tahay miyaanay haboonayn inaynu badino akhriska quraanka inagoo waliba ku guda jirna bishii la soo dajiyey, nabiguna waxa uu yidhi (NNKHH) ‘’qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa loo qoraa darajo, halkaa darajana waa loo toban laabayaa’’ walaalahayga muslimka ahaw aynu ramdaan ku xoojino quraan akhris.




ü  KA FAA’IDIYASIGA LAY-LATUL QADRIGA.




ka faa’ideyso habeen ka fadli badan 1000-bilood, habeen hadaad danbi dhaaf dalabtid lagaa aqbali, habeen hadaad rabigaa ka rajeysid in naarta lagaa xoreeyo in Eebahaa kaa  xoreyn, qofka muslimka ahaw habeenkani waa habeen dhinac kasta ka dhameystirana aynu ka faa’dideysano, fiiro gaarana aynu u yeelano.




ü  KU DA’DAALKA DUCADA.




Ku da’daalka xifdiga adkaarta iyo ducooyinka  ugaarka ah bisha ramadaan, inagoo rajeyneyna inuu Eebe inaga aqbalo, waxay inoo  furi albaab kasta oo kaa xidhnaa, rabigana ha inagana yeelo kuwii ducadooda ka aqbalo, kana xoreeyo naarta.




 




W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI




wirdaani@hotmail.com




Alpha Universty




www.wirdaani.wordpress.com