Saturday, June 28, 2014

Shirka Waxbarashada Brussels oo 2 Bilyan oo Dollar looga balan qaaday Soomaalida


Waa sidee Waxbarashada Gobollada Somaliya iyo Somaliland?Warbixin




???????????????????????????????Brussels(GNA)-Shir dhaqaale loogu uruurinayo sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Somalia, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Brussels ee Caasimadda Waddanka Belgium, kaasoo ay ka soo qayb-galeen waddamo badan oo daneeya arrimaha soomaalida iyo masuuliyiin ka kala socda Dawladda dhexe , Puntland iyo Somaliland.




Hay’adda magaceeda la yidhaahdo, Global Education Partnership, ayaa soo qaban qaabisay Shirkan, waxaana qorshuhu ahaa in lagu qiimeeyo lacag  dhan  saddex kun iyo bar Bilyan oo la doonayo in lagu horumariyo waxbarashada Dhalaanka dalalka ay colaaduhu hadheeyeen, sida Soomaliya oo kale.




Somaaliya ayaa Hay’addan xubin ka noqotay sanadkii 2012-ka, waxaana wajiga koowaad ee shirka lagu soo qaaday in la Taageero macalimiinta si ardayda ay ugu gudbiyaan tacliin fiican oo tayo leh.




Shirkan waxa ka qayb galay Wasiirrada waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Puntland, Somaliland waxa lagu soo casuumay  Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Waxbarashada, waxaanay dhinacyadani soo bandhigeen heerka Baahiyaha dhanka Waxbarashada ee ka jira Gobolka.




Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa madaxda Soomalida uga qayb-galay Shirkan ayaa sheegay in Shirkaasi soomaalida looga balan qaaday lacag ka badan laba Bilyan oo Dollar, taasoo qayb ka ah Mashruuca la doonayo in aqoonta Dhalaanka kor loogu qaado shanta sanaddood ee soo socda.




“qorshuhu wuxuu ahaa in la helo ilaa saddex Bilyan iyo bar, hada waxa la balan qaaday boqol  Bilyan iyo Hal Milyan oo Dollar”ayuu yiri Dr.  Cali Xaaji Warsame.




Waxaanu intaasi ku daray “meesha sida wax lagu qaybiyaa waa Dawladda dhexe, Puntland iyo Somaliland, markaa annaga waxaanu u qaylinaynay oo aan meesha u tagnay sidii dhaqaale loogu helo lahaa Wiilka Soomaaliga ah siduu waxbarasho u heli lahaa, siiba Gabdhaha oo la doonayo in kaalin mug leh laga siiyo mashruucan”ayuu u sheegay BBC-da.




Mashaariic hore




Soomaliya, ayaa sanadkan horaantiisii waxa laga daah furay Mashruuc kale oo aad u balaadhan oo lagu dar dar gelinayo dhanka waxbarashada, kaasoo ay iska kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo dalalka qaadhaan  bixiyayaashu.




Mashruucaas oo loogu magac daray “Aada Dugsiga  ama ( Go to school)”, ayaa ka bilaabay Somaliland iyo Gobollada Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, waxaana ku baxaya lacag balaayiin Dollar ah.




Baahiyo waxbarasho




Sidaasoo ay tahay waxbarashada ayaa ka mid ah adeegyada ugu liita Soomaaliya marka loo eego dunida, waxaana la rumaysanyahay inay wali boqolaal kun oo da’yar ahi aanay helin waxbarasho sababo la xidhiidha Colaadda iyo faqriga.




Gobollada Soomaalida ayaa ku kala duwan baahiyaha dhanka Tacliinta ee jira, waxaana jira deegaamo badan oo kabasho ka muuqato, halka meelaha qaarna aanay wali wax u bilownayn.




Waxbarashada Gabdhuhu waa ta ugu liidata Gobollada Soomaaliya badankooda, balse Somaliland waxa tobankii sanaddood ee ugu dambeeyay muuqata inay gabdhuhu kaalin wanaagsan oo yihdidiilo leh kaga jiraan dadka goobaha waxbarashada aadda.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com