Thursday, June 26, 2014

“Waxaan Beeninayaa War La BaahiyayOo Sheegayay In Laas-geel Laga Iibiyay"Muj.Jadha


Maxamed-Cabdi-CaliHARGEYSA(GNA)-Sahamiyaha Guud ee goobaha aataarta qadiimiga ah ee Somaliland Md; Maxamed Cabdi Cali (Jadha), ayaa been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu daabacay mareegaha Internet-ka iyo qaar ka mid ah Wargeysyadda dalka, kaasi oo la xidhiidhay in goobta aataarta qadiimiga ah ee Laas-geel laga iibinayo dawlada Norway.
Sahamiyaha Guud waxa uu ku baaqay in la sameeyo sharci gaar ah oo lagu dhaqo aataarta qadiimiga ah ee Somaliland, waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxaanu waraysigaasi tafaasiil kaga bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee aataarta qadiimiga ah ee wadanku soo martay, caqabadaha ku gadaaman iyo sida looga manaafacaadsan karo.
Sahamiyaha Guud waxa uu ugu horayn beeniyay war sheegayay in dawladda Norway laga iibinayo xarunta aataarta qadiimiga ah ee Laas-geel, waxaanu yidhi “Waxaan Beeninayaa war dhawaan lagu baahiyay shabakaddaha Internet-ka iyo Wargeysyadda dalka qaarkood, kaasi oo sheegayay in xarunta aataarta qadiimiga ah ee Laas-geel laga iibiyay dawladda Norway. Waxaanan shacbiga Somaliland u caddaynayaa inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo ay been abuur tahay. Annaga ayaa joogna oo ilaalinaya goobaha aataarta qadiimiga ah ee dalka. Markaas warkaasi waxa uu ahaa mid aan sugnayn oo been abuur ah.
Waxaan qabaa inay uun iska ahayd tibaax been abuur ah oo lagu carqaladeynayay Wasiirka wasaaradda dhalinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cali Siciid Raygal oo socdaalkiisii koowaad ku tagay xarunta Laas-geel. Beryahan dambe waxa jira kooxo badan oo xumaanta ka shaqeeya ama dad iyagu dan gaar ah ka leh oo kow ka ah fadhatada ayaan qabaa inay warkaasi waxba kama jiraanka ah bixiyeen. Aataartuna waa hantideenii dawladda Somaliland ayaa ka masuul ah, waana hantida ma guurtada ah ee aan la iibin ee la ilaashado.”
Sooyaalkii Ataarta Qadiimiga ah ee Dalka
Maxamed Cabdi Cali oo aanu weydiinay siday ku bilaabantay daah-furka goobaha aataarta qadiimiga ahi, waxa uu yidhi “Anigu waxaan bilaabay aataarta qadiimiga ah sanadkii 1993-kii, waxaanan 2003-dii ula imid Wasaaradii dhaqanka iyo dalxiiska la odhan jiray oo uu Wasiir ka ahaa Marxuum-Cismaan Cali Bille, runtii muddo dheer ayay igu qaadatay fahamkii aan fahamsiin lahaa wasaarada aataarta qadiimiga ah iyo muhiimadda ay dalka u leedahay.
Intaas wixii ka dambeeyay waxa dalka yimid wefti ka socday Jaamacadda Faransiiska ku taalla ee la yidhaahdo –St Paul Valery University In Montpellier, oo daah fur ku sameeyay goobta Laas-geel oo soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana inoo furmay goobta Laas-geel oo dalxiiseyaal badan oo lacagi ka soo gasho imika dawladda ayaa inoo tisqaaday.”
“ Waxa kale oo jira 45 goobood oo waaweyn oo (Rock Arts) ah, sida Dhagax-guurre iyo dhagax dhabi-galay, waxaanay 45-kaas goobood ku yaallaan lixda gobol ee dalka ee waaweyn oo dhan, kuwaasi oo u baahan dhammaantood inaynu daah-fur rasmi ah ku samayno, hase yeeshee aynaan awood u helin. Laakiin waxa kale oo jira boqolaal God oo lixda gobol ee waaweyn ku kala firidhsan. Sidaas darteed, waxaan odhan karaa waxaynu leenahay 44 goobood oo kale oo waaweyn oo Laas-geel oo kale ah,”ayuu yidhi Sahamiyaha Guud.




Caqabadaha Hortaagan Taabo-galka Aataarta Qadiimiga ah
Sahamiyaha Guud ee aataarta qadiimiga ah ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska oo la weydiiyay asbaabaha hortaagan inay si dhab ah looga manaafacaadsado aataarta qadiimiga ah ee dalka, waxa uu yidhi “Horta marka hore dalkeenu aqoonsi ma laha, mana jirto Hay’adii UNESCO oo aataarta qadiimiga ah ka shaqeysa, sidoo kale ma jiraan ururo waddani ah oo aqoon u leh xirfaddan oo kaalin ka geysata iib-geyntooda iyo horumarintoodaba. Waxa kale oo dhawr jeer naloo bedalay wasaarado kala duwan, waxaad moodaa in arrintaasna ay wax nagaga lumeen.
Waxa kale oo jira in dadka qurbaha ka yimaadaa ay goobaha qaarkood fadhataystaan aataarta qadiimiga ah. waxa iyana dhibaatooyinka aanu la kulanno ka mid ah Maayarrada magaalooyinka wadanka oo iyaguna iska bixiya dhul badan oo ahaa goobihii ay yaaleen aataarta qadiimiga ah, beeralayduna waxa ay mararka qaarkood ay iska ootaan dhulkii aataarta ahaa.”




Sharci La’aanta Aataarta Qadiimiga ah




Sahamiyaha Guud waxa uu ku baaqay in la sameeyo sharci dhamaystiran oo lagu dhaqo, laguna ilaaliyo aataarta qadiimiga ah ee Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ku baaqayaa oo aan xukuumadda ku boorinayaa in aataarta sharci loo sameeyo lagu dhaqo oo lagu ilaaliyo sida waaxaha kale ee dawladuba u leeyihiin sharci nidaamiye lagu maamulo. Si loo xakameeyo in la fadhataysto iyo in dhulka aataarta la iska ooto. Waxa kale oo sharcigaasi soo jiidan karaa daah-fur caalami ah loogu samayn lahaa.”
Ma Laga Manaafacaadsan karaa Ataarta Qadiimiga ah?
Maxamed Cabdi Cali waxa uu ka hadlay hanaanka loo horumarin karo si dalku uga helo maal iyo magacba, waxaanu yidhi “Dal baynu nahay ma aha inaynu gacan shisheeye sugno, waxaan ogahay dad badan oo reer Somaliland ah oo qurbo-joog ah oo bartay xirfadda Archaelogy-ga, inta aan ogahay muwaadiniintaasi waxay gaadhayaan illaa sideed qof, waxa dalka ka jooga Najiib Axmed Shunuf, in badan baan lahaa nala shaqee, walina muu soo shaqo gelin. Waxa isna jira nin la yidhaahdo Alla-magan labadaasi ninba dalkay joogaan.
Waxa kale oo jira Sacda Mirre oo mar ahayd agaasimaha waaxda dalxiiska, iyaduna imika London ayay ku noqotay. Waxa looga midho dhalin lahaa in laga shaqaalaysiiyo dadka aqoonta u leh aataarta qadiimiga ah goobahan taariikhiga . waa in la xadidaa goobaha oo la ilaaliyaa oo aynu innagu dal ahaan wixii awoodeenna ah qabsanaa. Waxaan soo jeedinayaa in la helo gaadiidkii lagu hawl-geli lahaa, xafiisyo u gaar ah oo lagu ururiyo aataarta qadiimiga ah isla markaana loo helo kamaradihii iyo imkaaniyaadkii kale ee daruuriga ahaa. Waa sidaas dariiqa lagu horumarin karaa hawshan aan ka shaqeeyo.”




Sahamiyaha Guud waxa uu sheegay in xarumaha aataarta qadiimiga ah ee dalka ay ka hawl-galaan 50 qof oo shaqaalle ah oo uu tilmaamay inay u baahan yihiin in kor loo qaado gunooyinkooda iyo wixii kale ee daryeel ah ee loo samayn karo.
Waxa uu tilmaamay in taariikhda goobaheenu ay yihiin qaar aad u fac weyn oo ay ka yaabeen jaamacad faransiiska ku taalla oo cilaaqaad wax wada qabsi ka dhaxeeyo Wasaaradda Dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska.
Sourc e Wargeyska Dawan