Monday, June 30, 2014

Dagaal ka socda Tikrit


TikritrTikrit(GNA)-Dagaal ayaa ka socda magaalada Tikrit ee Ciraaq, halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Khilaafada Islaamiga ah ku hirdamayaan dagaallo socda dhowr maalmood.




Iska horimaadyo kale ayaa ka dhacay maagalada Koonfurteed oo banaanka ah, iyo weeraro diyaaradeed oo lala beegsaday bartamaha magaalada.




Dagaalyahanada mucaaradka ayaa lagu soo waramayaa inay ku qaadeen weerar saldhig milatari waqooyiga Magaalada.




Dad goobjoogeyaal ah ayaa  sheegay inay ISIS qabsadeen saddex meelood laba meel saldhiga, inkastoo dowladda ay weerar diyaaraddo ah  ku qaaday.




Milatariga Ciraaq ayaa beeniyay warar sheegaya inay mucaaradku  dib u riixeen baabuur u soo gurmaday saldhiga.




Dhinaca kale Bomb la dhigay jidka ayaa dishay afar askari magaalada Baqdaad.




Dagaalka Tikrit ayaa galay maalintii saddexaad waxaana muuqata inay labada dhan awood isku muquuninayaan.




Dagaalkan ayaa ku soo aaday xili habeenkii xalay Ururka Daacish ku dhawaaqeen Khaliifo islaami ah oo caalamka oo dhan ku fidaysa.




Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Sunniyiinta Ciraaq Abubakar Albaqdaadi, ayay ugu yeereen  Khaliifka cusub ee Caalamka Islaamka.




Waxaanay sidaas ku sheegeen war cajal ah oo la soo geliyay baraha ay Intenet-ka ku leeyihiin ISIS.