Sunday, June 29, 2014

Cuntooyinka ugu Wanaagsan ee Timaha Nafaqeeya, Quruxna u Yeela


timahaagu-in(GNA) Dad badan ayaa lacag aad u badan ku lumiya siday timahooda ugu qurxin lahaayeen daawooyin kiimiko ah oo mala awaal ah, balse daraasado caafimaad iyo qaar cilmo oo la sameeyey waxya iftiimiyeen in cuntada dabiiciga ah timaha ka dhigto qaar nafaqo ahaan iyo quruxba aad u fiican.




 




Cuntooyinka qaar badan oo ka mid ah ayaa timaha ka dhiga qaar dhumuc ahaan adag, jilicsan oo aan go?in, dherarna ku darsada.




 




Cuntooyinka ay ka mid yihiin bariiska boorashka oo uu aad ugu badan yahay faytamiinata ay ka mid yihiin B iyo B7, waxay timaha ka caawiyaan inay noqdaan qaar aad u ifaaya oo aan dhayal ku go?in, sababtoo ah boorashka qaydhin waxa aad ugu badan maadada la yidhaa Silica oo timaha ka ilaalisa inay go?aan iyo waliba macdanta Zinc oo ka mid ah macdanaha timaha u wanaagsan oo ka hortaga daadashada iyo caafimaad darrada timaha soo wajahda.




 




Lawska




 




Lawsku waxa aad ugu badan booratiinka iyo macdanta Zinc, waxaanay timaha ka dhigaan qaar xidadoodu adag yihiin oo aan dhayal ku go?in, adagna.




 




Lawsaska ka baxa dalka Brazil waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa Selenium oo iyadu timaha qotadooda adkaysa, kana hortagta in timuhu dataan. Cunista lawska oo la joogteeyana waxay masuul ka noqota in qofku helo timo aad u qurux badan.




 




Beedka




 




Beedku waxa  ku badan booratiinka, waxaannu ka mid yahay waxyaabaha timaha daata lagaga hortago, sababtoo ah wuxuu dedejiya koriinka timaha, iyadoo ay ugu wacan tahay maadada la yidhaa Biotin.




 




Sidoo kale beedka wuxuu ka mid yahay ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo la’antii qofka ay ku dhacdo dhiig la?aan iyo timaha oo daata




 




Khudaarta Midhaha leh




 




Khudaarta midhaha leh sida cambaha, liinta iyo saytuunka ayaa la ogaaday in ay aad ugu fiican yihiin timaha, sababtoo ah waxa aad ugu badan macdanaha ay ka mid yihiin Biotin, Oemga-3 iyo Zink, waxaanay horseedaan in qofka timahiisu noqdaan qaar caafimaad qaba oo nafaqadu ku badan tahay, sidoo kale midhaha khudaarta ah waxa aad ugu badan booratiinka.




 




Saliida Kalluunka laga sameeyo




 




Haddii aad doonayso timo jiridoodu adag tahay, aadna u ifaaya, waxa aad cuntada ku cunta amma aad isticmaasha saliida kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines, sidoo kale saliida kalluunka waxa ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad u ifaaya.




 




Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliidan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidanb booratiin aad muhiim  ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.




 




Kalluunka




 




Kalluunada kala duwan ee badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxaana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo booratiin, sidoo kale kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo Faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo aad muhiim ugu ah timaha koriinkooda oo badana aan dadku si fudud ku helin.




 




Caanaha ciirta




 




Caanaha ciirta amma caanaha kale ee la fadhiisiyey waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.




 




Ciirta waxa kale oo ku badan booratiinka, waxaanay labanlaabta qarada timaha, kuwasoo qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan qaar jilicsan oo aad u qurux badan.




 




Diyaariye:- C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com