Thursday, June 26, 2014

Shil gaadhi oo ka dhacay Tuulada Xamaas


Xamaas(GNA)-laba Ruux ayaa ku dhaawacmay Shil gaadhi deegaanka Xamaas oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.




Gaadhiga Shilka galay oo noociisu ahaa Landcruiser,ayaa qalimay, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen Wadihii iyo Nin Askari ah.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laanta nabad-gelyada waddooyinka oo la xidhiidha sababta dhalisay shilkan.




Dadka ku dhaawacmay Shilkan ayaa loola cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera, halkaasoo sida la xaqiijiyay lagu dabiibayo.




Shilalka Gaadiidka ayaa ku badan Waddooyinka laamiga ah,sababo la xidhiidha Xawaaraha Baabuurtu ku socdaan oo aad u sareeya.