Wednesday, June 25, 2014

War Deg-Deg ah: Maxkamadda oo xukun adag ku riday wargeyska haatuf iyo mulkiilaheeda.


gaboobe




Hargeysa (Gobanimonews) maxkamadda gobolka hargeysa ayaa ku xukuntay mulkiilaha wargeyska haatuf Yuusuf Cabdi gaboobe saddex sano oo xadhig ah, konton milyan oo ganaax ah iyo wargeyska oo ruqsadii lagala noqday.




Xukunkan oo goor dhaweyd dhacay ayuu ku dhawaaqay garsoorihii dacwada hayey, manay jirin cid saxaafadda ah oo ka war haysay in uu xukunku maanta dhacayey, kadib markii shalay oo uu mudaysnaa dib loo dhigay. ciidanka asluubta ayaa isla markiiba xabsiga u dhaadhiciyey yuusuf Cabdi gaboobe. Xukunks lagu riday wargeyska haatuf iyo mulkiile yuusuf Cabdi gaboobe ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee lagu Rido gaar ahaana ganaaxa iyo ruqsad kala noqoshada.




 




Hargeysa Office




Gobanimonews