Monday, June 30, 2014

MUQDISHO: Alshabaab Oo Bilowday Fulinta Balanqaadyadoodii


Muqdisho(GNA)- Kooxo hubeysan ayaa dilal kala duwan maanta xilli dharaar ah u geystay seddex askar ka mid ah ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka kooban meletari iyo kuwa taraafikada.




Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta dilal loogu geystay labo kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.




Dilka loo geystay labada ruux ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo isgoyska ku dilay askarta kadibna ka baxsaday.’




Isgoyska dabka ayaa ah mid mashquul badan, waxaana la ogeyn sababta ay arintaasi ku dhacday.




Askarta la dilay ee ka shaqeynayay ilaalada waddooyinka ayaa lagu kala magacaabayay Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamuud Maxamed Maxamuud, sida uu sheegay taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka.




 




Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa yiri “ Waxaa la kala yiraahdaa Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamed Maxamuud Max’uud ciidanka nabad gelyada wadooyinka ayay kamid ahaayeen, dadkii bastoolad watay ayay ahaayeen, waan soo qabaneynaa, ninkii tiisa gasha ayaa dhimanaya”.




Dhinaca kale wararka aan ka helayno xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan Meletariga lagu dilay halkaasi.




“Shantii saac ayaa la dilay meletari ayuu ahaa, wadada ayaa lagu dilay qorigana waa laga qaatay, dad ayaa la qabqabtay, lama oga waxay yihiin dadka dilka geystay” sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah dadka deegaanka.




 




Kooxo bastoolad wata ayaa la sheegay in askariga halkaasi ay ku dileen, kadibna ay ka qaateen qorigii uu watay