Saturday, June 28, 2014

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka.Q.10ad


Waxaynu maalin walba maqalaa dastuurka ayaa kala madax baneeyay saddexda waaxood ee kala ah:




1.Fulinta




2.Sharci-dejinta(Wakiilada & Guurtida)




3.Garsoorka




Sidaa waxa caday-naya dastuurka qodobka 37aad,firqadiisa 2aad ee hoos ku xariiqan:




QAAB-DHISMEEDKA QARANKA




QODOBKA 37AAD




AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA




2. Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.




Hadaba bal aynu eegno qodobka isaguna caday-naya hawlaha waaxda garsoorka farayo ku dhaqan-kooda:




QAYBTA AFRAAD




XUBINTA 1AAD




WAAXDA GARSOORKA




QODOBKA 97AAD




2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.




Firqadan 2aad ayaa tilmaamaysa madaxbanaanida waaxda garsoorka balse ma jirtaa sidan dastuurka ku cad? Waa maya ee waxa madaxa kaga fadhiya waaxda Fulinta? Hadaan tilmaan ka bixiyo waxa xaqiiqa ah wasaarada cadaalada iyo guddida cadaaladu inay madaxa kaga fadhiyaan waaxda garsoorka oo sidaynu ognahay wasaarada cadaaladu ka tirsantahay waaxda Fulinta! Taa waxa barbar taala Gudoomiyaha maxkamada Sare,ahna Gudoomiyaha maxkamada dastuurka uma madaxbanaana inuu arrimaha qaar talaabo ka qaado waaxda garsoorka ee uu madaxa ka yahay ilaa uu u gudbiyo xeer-ilaaliyaha guud isaguna oogo eeda una gudbiyo guddida cadaalada oo ay u badantahay xubnaha qaarkood inaanay aqoon sharci uba lahayn.Tusaale:




1.Magacaabista Garsoorayaasha ka soo jeeda mashruuca UNDP iyo wasaarada cadaaladu ugu talo gashay kor u qaadida tayada garsoorayaasha.




2.Eriga garsoorayaasha hawshooda hanan kari waaya.




Labadaa talaabo waxa go’aanka wada leh guddida cadaalada oo ay wasaarada cadaaladu ku lingaxantahay(Agaasimaha..Xubin) iyo gud.Maxkamada Sare.Nidaamka noocan ahi waxa inooga muuqata inaanay garsoorku ka madaxbanaanayn Fulinta.Bal hada aynu ku noqono qodobada dastuuriga ah ee arrinkan ka hadlaya:




QODOBKA 108AAD




HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA




1.       Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.




Qodobkan isna waxa uu caqabad ku noqday madaxbanaanida garsoorka.Waxa kale oo jira qodob ka hadlaya dhismaha guddida cadaalada,waana sababta keentay inay isku milmaan garsoorka,guddida cadaalada iyo Fulinta(Was.Cadaalada):




QODOBKA 107AAD




GUDDIDA CADAALADDA




1. Gudidda Cadaaladdu waa hay'adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay:




• Guddoomiyaha Maxamadda Sare Guddoomiye




• Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada




Guddoomiyaha Maxamadda Sare Xubno




• Xeer-ilaaliyaha Guud Xubin.




• Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin




• Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Xubin




• Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo




• Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.




Markaan dhengada ku dhufto halka cadaaladu ka taabo geli wayday waa:




1.Maamulka garsoorka oo dastuurku gacanta u geliyay guddida cadaalada(Si aan garsoorku seetada u goosan).




2.Waaxda Fulinta oo siyaasiyan madaxbanaanida garsoorka ku xakamaysay xubin-nimada wasaarada cadaalada(Agaasimaha guud).




Waxa aan filayaa inay dastuurka inooga bidhaantay qaabka garsoorku aanay Fulinta uga madaxbanaanayn.Sidaa darteed ayaa waaxda garsoorka waxa ku dhacay madax-xanuun aan dawo lahayn,waana ta garsoorka ku keentay dhaawaca ka muuqda,isna dhex yaacdo tayayntii iyo sugida cadaalada.




Nin ayaa laga hayaa(Aqalkaan dhisaba markaan yar dheel-mado taloow yaa dhidibada u saara).




La Soco………………




Xuseen Xasan Badmaax




Badmah100@hotmail.com




Hargeysa/JSL