Saturday, June 28, 2014

‘Waxaan ka sii werwersanahay Garsoorka’ – Alexis Sanchez.


Alexis-Sanchez-620x360Weeraryahanka xulka qaranka Chile , Alexis Sanchez ayaa sii tilmaamay cabsida uu ka qabo cadaalad darro haleesha kulanka isreeb reebka wareega 16 ka ee xulkiisu wajahayo wadanka Martida loo yahay ee Brazil.




 




Xulka tababare Jorge Sampaoli ayaa qaabili doona wadanka marti gallinaya koob aduunka , isla markaana ah wadanka ugu horeeya ee loo saadaalinayo inay ku guulaysan doonaan tartanka, waxaanu Alexis fagaare ka sheegay sida ay ciyaarta saamaynta ugu yeelan doonto garsoorka dhex dhexaadin doonaa -kaas oo uu carabaabay inaanu sina uga baxsan doonin fikirka ah wadankii martida loo ahaa loona saadaalinayay koobka.




 




Brazil ayaa lagu abaal mariyey rigoodhe jilicsan ciyaartii furitaanka Tartanka oo ay la ciyaarayeen Croatia iyadoo 1-1 barbaro ah markaas maraysay.




 




Garsooraha Ingiriiska ah ee Haward Web oo dhex dhexaadin doona kulanka Chile iyo Brazil ku dhex mari doona magaalada Belo Horizonte maalinta Berri ah , ayuu Sanchez ka sii digay in xulkiisa lagu jiifto dhinaca garsoorka.




 




“Waxay ila tahay in Brazil tahay xulka ugu difaaca wanaagsan.”Ayuu Alexis ku bilaabay weedhihiisa.




 




“Waxay haystaan ciyaaryahanadii ugu fiicnaa, aniguna waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu la ciyaarayno xulka Brazil ee Neymar ka dhex muuqdo.”




 




“Arinta ugu weyn ee werwerka igu hayaa waa Garsoorka, laakiin weynu eegi doonaa.”




 




“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu la ciyaarayno Brazil, Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka hor imaado qaar kamid ah xidigaha aanu naadiga u wada ciyaarno ee ay kamidka yihiin , Neymar iyo Dani Alves. ciyaartana aad baan ugu raaxaysan doonaa.” ayuu Yidhi Sanchez.