Friday, June 27, 2014

Askar Djiboutian ah oo lagu laayay Buula-burte


Hargeysa(GNA)-Taliyaha ciidamada Jabuuti ee degmada Buula-burte Col. Ibraahim Cali Faarax ayaa xaqiijiyay Dhimashada laba Askari oo ka tirsan Ciidankiisa iyo laba ismiidaaamiye oo soo weeraray Saldhiga ay halkaa ku leeyihiin Amisom.




Niman hubaysan oo Dirayska Ciidanka AMISOM soo xirtay ayaa weerar ku qaaday Saldhiga Ciidanka Djibouti ee degmada Buullo-burte, gelinkii hore ee maanta.




Weerarkan ayaa ahaa mid Shaki ka dhex abuuray Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM.




Taliyaha Ciidanka Djibouti ee degmada Buullo-burte ayaa sheegay “Ciidamada Jabuuti waxay u qaateen markii hore raggan iney ka tirsan yihiin ciidanka dowlada, hase ahaatee raggan oo ku hubeysnaa qoryaha Ak-47 ayaa bilaabay iney toogtaan askarteenii ilaalada ka aheyd saldhiga, markaas ka dib ayaa la ogaaday iney ka tirsab yihiin ciidanka dowlada” ayuu yiri Col. Ibraahim Cali Faarax.




Taliyaha ciidamada Jabuuti ee degmada Buula-burte ayaa intaa ku daray “Waxay isku dayeen in ay soo gallaan xero ay ciidamadeena ku sugnaayeen, markii ay ciidamada isku dayeen in ay joojiyaan waxaa ay fureen rasaas culus oo ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidamadeena ku sugnaa ilinka hore ee xerrada, iyagana goobta ayaa lagu toogtay dhamaantood,’’ ayuu yiri taliyuhu.




Weerarkan ka ddib ciidanku waxay magaalada ka sameeyeen hawl-galo lagu sugayo ammaanka degmada.




Wararkii ugu dambeeyay ee laga helo Magaaladu waxay sheegayaan in xaaladdu degentahay.