Sunday, June 29, 2014

Xasan Sheikh: Kooxaha Nabad-diidku waxay Caadeysteen Dhiig badan daadiyaan Ramadaanta".


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Reysal-wasaare Cabdiwali sheikh oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan.




laba sheikhMuqdisho, 28 Juun 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhambaal hambalyo ah soo saaray Caawa soo dhaweynta curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ka digay khatarta Kooxa Isqarxiyaa xiligan oo kale ay u geystaan shacbiga Soomaaliyeed, ee sooman.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay sanad kasta ramadaanta geystaan weerarro dhiig badani ku daadto.




dhinaca kale, wuxuu umadda uslimiinta ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo talooyin khayri ahna u soo jeediyay.




“Dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta ee ay caalamku kaga nool yihiin waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan Ilaahey ka rajeynayaa in cibadadeennu aqbalo, kana dhigo soonkii dambi dhaafka umadda Soomaaliyeed, soonkii is-cafinta, soonkii isku naxariisashada” ayuu yiri Madaxweynaha.




Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay iska warqbaan kooda afur heysta iyo midkaan heysan. ”Daruufo badan ayaan ku jirnaa walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan ayaa jira, dadka Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa bisha Ramadaan fadligeeda inay is-cafiyaan, in ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, qof walba inuu xaqiijiyo in walalkiisa dan-yarka ah ee dariska la ah in uu afur heysto haddii uusan heysanna aad la wadaagto wixii aad adiga heysato oo aad wada afurtaan”.




Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu bilowday barnaamij loogu magac daray nabad ku afur. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego inuu socdo lana hergeliyey barnaamij cusub oo la yiraahdo nabad ku afur, waa barnaamij amni waa barnaamjij loogu talagalay in dadku nabad ku afuraan, ku saxuurtaan kuna joogaan”.




Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dhagarta kooxaha nabad diidka ah xiliga bisha Ramdaan ayii yiri, “Kooxaha Nabad diidka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in xiliga Ramadaanka argagax geliyaan umadda muslimiint ah, iskuna dayaan in ay u diidaan afurka, Taraawiixda iyo Taajudka. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed arrinkaasi waa ka diyaar garowday, xoog badan ayeyna gelineysaa. Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay dowlada kala shaqeeyaan sidiii dhammaanteen aan nabad ugu afuri lahayn, waxaan rabnaa in masaajidada cibaado iyo Alla tuug ku camirmaan oo aan ka faa’iideysano ajarka bisha Ramadaan”.




Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri. “Kooxahan Nabad diidka ah inay Salaadin oo aysan cibaadeysan waxaa daliil u ah in xiliga qofka muslimka ah dukanayo isku dayaan inay dilaan sida marar badan dhacday isagu ma dukado soo maaha ileen dadkii salaada dukanayey ayuu banaanka ku sugaayaye, mana soomaan oo xiligii afurka ayey weerarada soo qaadaan, marka qof xiliga afurka wax weeraraya waa qof aanan soomaneyn. Cadeyn ayey u tahay inay diintu ku camal falin kooxahan nabad diidka ah”.




Reysal-wasaare  Cabdiwali




Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed ayaa hambalyo ku aaddaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diraya Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.




Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed: “Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan si farxad leh idiinla soo dhaweynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan idin leeyahay farxad iyo caafimaad ku sooma, farxad ku afura, farxadna ku cibaadaysta.




 “Bishan waa bishii sadaqada, waa bishii Qur’aan aqriska, waana bishii dambi dhaafka. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu cafiyo walaalkiis.




 “Waxaa dalka ka jira abaaro iyo xaalado adag oo saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba. Xukuumaddu waxay mar walba ku dadaaleeysaa inay shacabka gaarsiiso wixii gargaar ah oo ay awooddo. Sidoo kale, dadka wax haysta waa iney taageero u fidiyaan dadka ku dhibaataysan xerooyinka barakacayaasha iyo gobollada dalka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ka codsaneeynaa in ay u gurmadaan dadka walaalahood ah oo aan haysan waxay ku afuraan.”




Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in bishan Ramadaan ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in ay isu naxariistaan, is caawiyaan, isna cafiyaan. Wuxuu Eebbe ka baryey in bishan barakeysan ee Ramadan fadligeeda uu ugu dambi dhaafo Muslimiinta oo dhan, isla markaana dhex dhigo naxariis iyo nabad ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.




Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay kooxaha dadka ku dhibaateeya fahanka khaldan ee ay Islaamka ka haystaan inay ka noqdaan khaladaadkooda oo ay dadkooda dhinac ka raacan, dambi dhaafna Alle warsadaan, baddalkii ay dad Muslimiin ah oo sooman dhibi lahaayeen.