Thursday, June 26, 2014

Ehellada Mawaadin Somaliland u dhiibtay Djibouti oo sheegay in la Shirqoolay Wiilkooda.Daawo


“Waa dhacdo Ugub ah in Mawaadin inta habeen Madow gurigiisa lagala baxo, habeen madow dawlad kale loo dhiibo”Hoos ka Daawo Video Beesha Madigaan oo dhambaalo adag u kala diray Siilaanyo iyo Djibouti..




 


  Madigan2Hargeysa(GNA)-Madaxdhaqameedka iyo qaybaha kale ee Bulshada ee Beesha Madigaan, ayaa Magaalada Gabiley ku qabtay kulan balaadhan oo ay ku cambaareeyeen xadhiga Wiil ka mid ahaa Saddex Mawaadin oo Somaliland ku wareejisay Dawladda Djibouti, kaddib markii lagu eeddeeyay inuu ka qayb qaatay qaraxyadii dhawaan laga fuliyay caasimada dalkaasi.





Cabdilaahi Sh. Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Shaqaalaha Xawaalada Jubba Express ee laanteeda Hargeysa, ayaa la rumaysanyahay inuu ka soo jeedday deegaanka gabiley.




Kulanka ay Maanta isugu yimaadeen Beesha uu ka soo jeeday ayaa waxay ka soo jeeddiyeen Eddeymo , cabasho iyo waliba dhaliilo ay ku dureen cid kasta oo go’aanka lagu wareejiyay ku lug lahayd.




“waa dhacdo ugub ah oo aan hore u dhicin in qof u dhashay Somaliland la yidhaahdo waxa lagu maxkamaddeynayaa dal kale, dabaddeed inta Habeen madow Gurigiisa lagala baxo, Habeen madow hadana lagu wareejiyo dawlad kale.Madigaan3




“waxaanu ka codsanaynaa Madaxweynuhu hadaanu ogayn iyo haduu ogyahayba in laga noqdo arinkaa, waxa kale oo aanu Madaxweynaha Jibouti leenahay arintaas hoos haloo eego, waa dhacdo ugub ah oo cadaalad daro ah oo aannu aad uga damqanayno”sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah cuqaal tiro badan oo shirka sharaa’id ka hadlay.Madigaan




Xubno kale oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa arrinkan si adag u cambaareeyay, waxaanay dalbadeen in Ninkaasi si dhakhso ah dalkiisa loogu soo celiyo, isla markaana hadii dambi lagu haysto halkan lagu Maxkamaddeeyo.




Halkan ka Daawo:




Dhawaaqa ka soo baxay Bulshada uu ka soo jeeddo Mawaadinkani, ayaa ku soo aaddaya Maalin kaddib markii Xisbiga Waddani uu dalbaday inay Xukuumaddu tafaasiil ka bixiso sababta lagu wareejiyay Mawaadiniinta dalkooda laga qaaday ee waddanka kale loogu dhiibay dambiyo loo sheeganayo.




Sidoo kale waxa Bulshada dhexdeeda ka taagan dood badan oo ku saabsan arrintan, iyadoo dadku ay si weyn isu weydiinayaan waxa kalifay in qof u dhashay Waddankiisa oo aan dambi ka soo gelin dal kale loogu dhiibo sidan oo kale.




Dadka qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi nusqaan ku tahay nidaamka dawladnimo ee Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editot@gobanimonews.com




Halkan ka Akhri Warbixin hore